Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Baraawe Kadib Weerar Ay qaadeen Xoogaga Al Shabaab.

Thursday November 23, 2017 - 11:44:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Baraawe Kadib Weerar Ay qaadeen Xoogaga Al Shabaab.

    iska Hor'imaadyo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose oo kamid ah magaalooyinka kujira gacanta ciidamada shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iska Hor'imaadyo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose oo kamid ah magaalooyinka kujira gacanta ciidamada shisheeyaha AMISOM.



Wararka ka imaanaya Baraawe ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka aroortii ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada iyo deegaanka Ambareeso oo saldhig melleteri ay ku leeyihiin ciidamada Uganda, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku kediyeen maleeshiyaad katirsan DF-ka xilli ay isku dayayeen in ay saldhig ka sameystaan garoon diyaaradeed macmal ah oo maalmo ka hor ladhagax dhigay.

Dagaalka oo muddo socday ayaa sababay in ciidamo uu watay guddoomiyaha degmada Baraawe ay u cararaan dhanka saldhigga AMISOM ee deegaanka Ambareeso, ciidamada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gaareen halka laga dhisayo garoonka diyaaradaha Macmalka Baraawe.


Shariif Sakiin Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed iyo Xasan Cali Kheyre oo bishan gudaheeda booqday magaalada Baraawe ayaa sheegay in garoon diyaaradeed lahirgelin doono maadaama ay jaranyihiin dhammaan waddooyinka magaalada soo gala si mas'uuliyiinta dowladda ay u isticmaalaan dhanka cirka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items