Sawir: Saxafi Yahuudi Ah Oo Gudaha Ugalay Masjidka Nabiga SCW Ee Magaalada Madiina.

Thursday November 23, 2017 - 22:11:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir: Saxafi Yahuudi Ah Oo Gudaha Ugalay Masjidka Nabiga SCW Ee Magaalada Madiina.

    iskusoo dhawaashiyaha u dhaxeeya maamulka Yahuudda sahyuuniyadda iyo dowladda Aala Sacuud ayaa sababay in dad gaalo Yahuud ah ay galaan goobaha barakaysan ee muslimiintu leeyihiin ayna wasakheeyaan arrintaas oo ah jariimo hor leh oo Aala sacuud ay ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iskusoo dhawaashiyaha u dhaxeeya maamulka Yahuudda sahyuuniyadda iyo dowladda Aala Sacuud ayaa sababay in dad gaalo Yahuud ah ay galaan goobaha barakaysan ee muslimiintu leeyihiin ayna wasakheeyaan arrintaas oo ah jariimo hor leh oo Aala sacuud ay ka galeyso islaamka iyo muslimiinta.



Maalmo ka hor Nin Yahuudi Sahyuuni ah ayaa gudaha ugalay Masjidka Barakaysan ee Nabiga SCW oo kuyaal magaalada Madiina Almunawarah, waxay aheyd tallaab hor leh oo lagu ihaanaynayo muqadasaadka muslimiinta laguna daandaansanayo umadda Milyaarka.

Caro adag ayay muslimiintu ka muujiyeen tallabadii uu saxafi Yahuudi ah oo lagu magacaabo Bentezyoon uu kugalay masjidka Nabiga ee madiina oo ah goobta labaad ee ugu fadliga badan adduunka marka laga reebo kacbada, Ben Tzion oo ah Yahuudi 31 sana jir ah asalkiisuna yahay Ruush ayaa baraha Ineternetka ku faafiyay sawirro dhowr ah isagoo dhax taagan gudaha masjidka Nabiga, Ninkan yahuudiga ah ayaa soo muuqday isagoo cimaamad iyo qamiis qaba islamarkaana labada gacmood ku heysta boorso madoow oo luqadda cibriga Yahuuda ku qorantahay wuxuuna ahaa sawir la qaaday iyadoo aanay wax cabsi ah jirin.



من الصور التي نشرها المدون الإسرائيلي

Ninkan yahuudiga ah ee lagu magacaabo Ben Tzion ayaa ku dhawaaqayay erayo uu ku muujinayay isbedelka ay xukuumadda Sacuudiga ku dhaqaaqd ay ee ay ku caadiyaynayso cilaaqaadka kala dhaxeeya Yahuudda "shacbiga sacuudiga wuxuu barbar taaganyahay umadda yahuudda garab istaag dhab ah" ayuu yiri saxafiga yahuudiga ah.

Tacliiq kale oo uu yahuudigu ku qoray bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay in nabad ay kasoo socoto bariga dhexe ayna dhammaatay colaaddii u dhaxaysay shucuubta kala diimaha ah sida uu hadalka udhigay.

Ben Tzion ayaa wareysi uu siiyay telefeshinka BBC-da qeybta carabta wuxuu ku sheegay in socdaalkiisu ahaa mid rukhso iyo ogolaashiyo uu uga heystay dowladda sacuudiga.

 

Baraha bulshadu kuwada xiriirto ayaa si aad ah layskula dhax qaaday sawiradda iyo caddeymahan uu bixiyay Ninkan yahuudiga ah ee masjidka nabiga wasakheeyay, barta Twitterka ayay dhalinyarada muslimiinta caalamka carabta waxay ku faafiyeen Hashtak ay ciwaan uga dhigeen "sahyuuni ku dhax sugan masjidka Nabiga".

mid kamida adeegsadayaasha barta twitterka ayaa yiri "culimadii muslimiinta waxay ku xiranyihiin xabsiyada yahuudii sahyuuniyadana gudaha Masjidka Nabiga waa arrin murugo leh".

mid kale ayaa yiri "Cahdiga Aala sacuud Sahyuuniyaddii muxtalliinta cadawgii islaamka iyo muslimiinta waxay ku tamashleynayaan oo ay bood boodayaan dhulka jariiradda carabta waxayna wasakheynayaan Masjidka Khaatimul anbiyaa”.

jawaab celinnada dhanka warfaafinta ee muslimiintu ka bixiyeen Yahuudiga galay Masjidka nabiga ayaa aheyd kuwa heer sare ah ,barta twitterka ayaa saacado kooban gudahood lagu faafiyay in kabdan 900-kun oo farriimo oo looga jawaabayo yahuudiga masjidka galay.

Qof kale oo sedaxaad oo farriin ku qoray Kashtagga ciwaankiisu ahaa "sahyuuni ku sugan gudaha masjika nabiga ayaa ayaa yiri "hastagga hadda waa sahyuuni ku sugan gudaha masjidka nabiga, hashtagga dambe wuxuu noqon doonaa sahyuuni dul taagan minbarka masjidka xaramka halka midka dambe uu noqon doono sahyuuni imaam ka ah xaramka makiga ah"!

Related Items