Dad Ku Dhintay Dagaallo Ka Dhacay Xaafado Katirsan Magaalada Gaalkacyo.

Thursday November 23, 2017 - 19:31:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ku Dhintay Dagaallo Ka Dhacay Xaafado Katirsan Magaalada Gaalkacyo.

    Dagaallo khasaara badan dhaliyay ayaa dib uga qarxay xaafado katirsan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo khasaara badan dhaliyay ayaa dib uga qarxay xaafado katirsan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Mudug ayaa sheegaya in maanta duhurkii ay Gaalkacyo ku dagaallameen ciidamo kala taabacsan maamullada ‘Puntland’ iyo ‘Galmudug’.

Dagaalka oo xooggiisu ka dhacay suuqa weyn ee magaalada waxaa ku dhintay ugu yaraan Afar qof oo isugu jira dad shacab ah iyo ciidamadii dagaallamay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyada dagaallamay ay isku adeegsadeen gaadiidka Tikinikada, khasaaraha ugu daran waxaa geystay madaafiic lagu garaacay suuqa weyn ee Gaalkacyo.


Ma ahan markii ugu horraysay oo dagaallo ka dhacaan magaalada Gaalkacyo, maamullada ka jira Koonfurta iyo Waqooyiga ayaa qaab beeleed ukala qeybsama waxayna isku hayaan gacan ku heynta kaabayaasha dhaqaalaha sida koontaroollada iyo suuqyada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items