Afar Askari Oo Melleteriga Uganda looga Dilay Duleedka Buula Mareer Ee Sh/hoose.

Thursday November 23, 2017 - 19:34:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Afar Askari Oo Melleteriga Uganda looga Dilay Duleedka Buula Mareer Ee Sh/hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.



Weerar dhabagal ah oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay maanta duhurkii u dhigeen ciidamo AMISOM ah oo ku socdaalayay duleedka Buula Mareer waxaa ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar Askari oo katirsan AMISOM lagu dilay dagaalkii maanta duhurkii ka dhacay Sh/Hoose.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ciidamadeeedu ay wadad ugaleen kolonyo gaadiid ah oo kasoo baxay dhanka Buula Bareer kunasii jeeday magaalada Muqdisho.



Ciidamada shisheeye ayaa dhibaato daran ku qaba weerarada uga yimaad Al Shabaab marka ay saadka ukala gudbinayaan ciidamada ku sugan degmooyinka Baraawe iyo Qoryooleey.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items