Daawo Sawirro: Barwaaqo Sooranka Baadiyaha Soomaaliya [Q.1aad].

Friday November 24, 2017 - 16:34:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Barwaaqo Sooranka Baadiyaha Soomaaliya [Q.1aad].

    Xilli roobaadka aanu ku jirno oo deyr ah waxa uu noqday mid barwaaqo ah oo dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli roobaadka aanu ku jirno oo deyr ah waxa uu noqday mid barwaaqo ah oo dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen.



Biyaha ayaa ceegaaga waraha iyo billiyada iyo meelaha kale ee godan dhirtana waxaa isku daahay caleen iyo ubaxyo.

Reer miyaga ayaa waqtigaan oo kale aad u faraxsan waxaanay xoolahooda daajinayaan meelo deegaan ah.

Boogasho ayaanu ku tagnay deegaano ka tirsan gobalka jubada dhexe oo xiga dhanka soohdinta gobalkaasu la wadaago gobalka baay.

Iminka waa waqtiga xooluhu cayilaan qaarkoodna ay rimaan, neefkii irmaan ahaana caano laga helo.



Maalmo iyo habeeno aanu baadiyaha iminka barwaaqo sooranka ah ku qaadanay nolosheenu waxay ahayd mid ka duwan tii magaalada.

Sawiro aanu ka soo qaadnay miyiga waxay muujinayaan in sanadkaanu yahay mid aarmay waxaana laga raystay nabaradii ka dhashay abaaro sanadihii tegay dalka badankii ku dhuftay.

 

La soco qeybta laabdaad oo aanu ku soo qaada doono sawiro iyo wareysiyo geela ku saabsan Insha allaah.

Related Items