Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Koontaroolka Degmada Afgooye.

Saturday November 25, 2017 - 12:12:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Koontaroolka Degmada Afgooye.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan sedax askari oo boolis ah lagu dilay qarax xooggan oo ka dhacay Koontaroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Miino lagu aasay goob ay ciidamadu fadhiyeen ay ku qaraxday afar askari oo xilligaas ku sugnaa Koontaroolka, waxaa la xaqiijiyay in isla goobta sedax askari ku dhinteen mid kalane uu dhaawac kasoo gaaray.

Qaraxa kadib ciidamo farabadan ayaa lagusoo daadiyay degmada Afgooye waxayna hakad geliyeen isku socodka gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Muqdisho iyo degmooyinka gobolka Sh/Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items