Sarkaal Katirsan Maamulka Puntland Oo Si Xun U Dhaawacmay Shil Baabuur.

Sunday November 26, 2017 - 09:46:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan Maamulka Puntland Oo Si Xun U Dhaawacmay Shil Baabuur.

    Wararka ka imaanaya degmada Qardho ee gobalka Nugaal waxey sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Qardho ee gobalka Nugaal waxey sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.


Gaariga shilka galay waxaa iska lahaa sarkaal ka tirsan maamulka isku magacaabay Puntland,iyadoona sarkaalkaasi uu soo gaaray dhaawac culus.

Cabdi Kariim Xuseen Xasan oo ah sarkaalka ka tirsan maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ee shilka ku galay degmada Qardho ayaa ka dhaawacmay Madaxa iyo Lugaha.

Dhaawaca sarkaalkan oo ah mid culus ayaa la dhigay isbitaalka degmada iyadoona si aad ah looga deyrinayo xaaladiisa caafimaad,waxa uu sarkaalkan si gaar ah uga tirsanyahay qeybta caafimaadka ee maamulka ay dhisatay dowlada Xabashida Itoobiya ee Puntland.



Deegaanada uu ka arimiyo maamulka Cabdi Wali Gaas waxaa si aad ah ugu badan shilalka gaari taasi oo sabab looga dhigayo burbur ka jira wadooyinka iyo aqoon yari heysata darawalada gaadiidka saraakiisha iyo mas,uuliyiinta maamulkaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items