Dhimashada Weerarkii Masjidka Wadanka Masar oo Sedax Boqol Kor udhaaftay.

Sunday November 26, 2017 - 11:43:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada Weerarkii Masjidka Wadanka Masar oo Sedax Boqol Kor udhaaftay.

    Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerar aad u xooggan oo lagu qaaday Masjid ay muslimiintu leeyihiin oo kuyaal waqooyiga gobalka Saynaa ee wadanka Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xinjira dhiig ah ayaa ku dhax daatay Masjidka Alrowdah ee dalka Masar
Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerar aad u xooggan oo lagu qaaday Masjid ay muslimiintu leeyihiin oo kuyaal waqooyiga gobalka Saynaa ee wadanka Masar.


Wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa sheegtay in dhimashada weerarkii Masjidka Alrowdah ay gaartay 305 qof halka dhaawacu uu sii caga cageynayo 120 qof, weerarka oo ay fuliyeen 40 dagaalyahan ayaa lala beegsaday jamaaco xilligaas salaad u taagneed.

Cabdi Fataax Alsiisi ayaa sheegay in ciidamada cirka ay qaadeen weerar ay ku baacsadeen dagaalyahanadii weerarka fulisay, xukuumadda Dabadhilifka Masar waxay ku faantay in ay burburisay goob ay hubka ku keydsan jireen xoogagii weeraray Masjidka sida ay halka u dhigtay.


Dhinacayo kala duwan ayaa cambaareeyay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday Masjid kuyaal deegaan ku dhow magaalada Alcariish waana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Abid ka dhaca goob lagu cibaadeysto gudaha wadanka Masar sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Dad ka badbaaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in Miinooyin lagu xiray hareeraha Masjidka ay qarxeen kadibna rag aad u hubeysan oo wata laba gaari Cabdi bile ah ay toogasho kula dhaqaaqeen dadkii qaraxyada ka badbaaday arrinkaas oo khasaaraha sare usii qaaday.

illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan balse dowladda Masar ayaa ku eedaynaysa in ay ka dambeeyeen xoogag hubeysan oo sanadadii lasoo dhaafay dagaallo adag uga jiray Gobolka Jaziirad u ekaha Saynaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items