Iska Hor'imaad Askar Lagu Dilay Oo Ciidamo Kawada Tirsan DFS Ku Dhaxmaray Degmada Yaaqshiid.

Sunday November 26, 2017 - 11:17:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Hor'imaad Askar Lagu Dilay Oo Ciidamo Kawada Tirsan DFS Ku Dhaxmaray Degmada Yaaqshiid.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay iska hor'imaad maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray degmada Yaaqshiid ee Bariga magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay iska hor'imaad maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray degmada Yaaqshiid ee Bariga magaalada Muqdisho.


Wararka ka imaanaya Yaaqshiid ayaa sheegaya in iska hor'imaad xooggan uu maanta ciidamo katirsan melleteriga iyo kuwa xasilinta caasimadda ku daxmaray isgoyska Sanca, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in laba askari ay ku dhinteen iska hor'imaadka islamarkaana ay ku dhaawacmeen afar kale.

iska hor'imaadka oo mudda daqiiqada ah socday ayaa yimid kadib markii ciidamada Melleteriga ay diideen amar uga yimid maleeshiyaadka 'Xasilinta Caasimadda' oo ahaa in ay hubka dhigaan sidaasna waxaa ku bilaawday dagaal labada dhinac dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay.


isku socodka gaadiidka dadweynaha isgoyska Sanca ayaa muddo saacad ah hakad kujiray kadib markii iska hor'imaadku bilaawday balse markii dambe ayay xaaladdu caadi kusoo laabatay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items