Al Shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay Diyaarad Drone Ah Oo Kusoo Dhacday Duleedka Boosaaso.

Monday November 27, 2017 - 12:30:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay Diyaarad Drone Ah Oo Kusoo Dhacday Duleedka Boosaaso.

    Mid kamida diyaaradaha wax basaasa oo dowladaha reergalbeedku ay leeyihiin ayaa kusoo dhacday deegaan katirsan gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Al shabaab oo drone kusoo bandhigtay Sh.hoose
Mid kamida diyaaradaha wax basaasa oo dowladaha reergalbeedku ay leeyihiin ayaa kusoo dhacday deegaan katirsan gobolka Bari.


Wararka imaanaya gobolka Bari gaar ahaan duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in diyaarad nuuca wax basaasa ah  ay kusoo dhacday deegaan ay xoogaga Al Shabaab maamulaan.

Saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan duleedka magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraddu ay kusoo dhacday deegaanada loo yaqaan Buuraha calmadoow xilli halkaas ay muddo saacada ah dul heehaabaysay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen burburka diyaaraddan oo loo malaynayo in ay leedahay dowladda  Mareykanka ee sida tooska ah ugu lugta leh duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya, ciidamo katirsan Al Shabaabayaa ayaa gacanta ku dhigay diyaaradan waxayna ula dhaqaaqeen goob amni ah.


Diyaaradaha wax duqeeya ee aan duuliyaha laheyn iyo kuwa wax basaasa ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayay iyagoo dul heehaabaya deegaanno katirsan gobolka Bari oo Al Shabaab ay maamusho, xoogaga Al Shabaab ee  buuraha Goolis ayaa wadna qabad ku noqday maamulka ashahaadda ladirirka Puntland iyo saraakiisha caddaanka ah ee ku sugan Bosaaso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items