Askar Katirsan DF-ka Oo Lagu Dilay Magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey.

Monday November 27, 2017 - 19:50:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Katirsan DF-ka Oo Lagu Dilay Magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey.

    Sida ay sheegeen dadka deegaanka xoogag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida ciidamada Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore askar ladilay
Sida ay sheegeen dadka deegaanka xoogag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida ciidamada Dowladda Federaalka.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa xaafadda Suuq Bacaad ku dilay askari katirsanaa ciidamada loo yaqaan Xasilinta caasimadda, xogaga dilka geystay ayaa la sheegay in ay horay usii qaateen qori AK47 iyo booshkiisa oo uu ku watay askariga ladilay.

Dhinaca kale weerar ka dhacay gudaha degmada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose ayaa lagu dilay askari katirsanaa ciidamada DF-ka, dad ku sugan Qoryooley ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in raggii weerarka geystay ay askariga ka furteen hubkii uu watay.


Dhammaan weeraradan waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items