Sarkaal Katirsaneed Melleteriga DFS Oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho.

Tuesday November 28, 2017 - 10:34:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsaneed Melleteriga DFS Oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ku dileen sarkaalad katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore maleeshiyaad katirsan DF-ka
Wararka ka imaanaya duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ku dileen sarkaalad katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in xalay fiidkii ladilay sarkaalad magaceeda lagusoo gaabiyay Siteey Max’med Aadan oo taliska ciidanka melleteriga ee ku sugan Villa Baydhabo uqaabilsaneed Mushaar qeybinta iyo saadka.

Falkan dilka ah oo ka dhacay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay faafisay warbaahinta ku hadasha Afka xarakada.

Shalay ayey aheyd markii xoogag hubeysan ay askari katirsan ciidanka DF-ka ku dileen xaafadda Suuq Bacaad ee degmaa Yaaqshiid.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items