Hay'ad Reergalbeed Ah Oo Sheegtay in Duqeymaha Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka Ay Ka Geysteen Soomaaliya Ay Barakac Hor leh Sababtay [Warbixin].

Tuesday November 28, 2017 - 10:40:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'ad Reergalbeed Ah Oo Sheegtay in Duqeymaha Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka Ay Ka Geysteen Soomaaliya Ay Barakac Hor leh Sababtay [Warbixin].

    Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay'adda Qaxootiga Norway ayay uga dardaar warisay barakaca iyo baaba'a ay geysanayaan duqeymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka wadaan gobollada shabeelooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay'adda Qaxootiga Norway ayay uga dardaar warisay barakaca iyo baaba'a ay geysanayaan duqeymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka wadaan gobollada shabeelooyinka.

In kabadan toban kun oo qof ayaa bishan ku barakacay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya sida ay sheegtay hay'adda qoxootiga ee dalka Norwey.

Kumanaankan qof ayaa ku biiray xeryahii markii horeba buuxay ee ay ku jireen qoysaska dadka gudaha ku barakacay.

Qoysaska badankood ayaa ka soo qaxay tuulada Basra oo ku taala halka ay iska galaan labada gobol, waana tuulo dhul beereed ballaaran leh, dadkeeduna ay ka shaqaysataan beeraha, Barakacan cusub ayaa bilaabmay kadib markii ciidammada dawladda oo ay taageraayaan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Maraykan ah ay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaanadaasi.


Xabiibo Buraale Cali oo ka soo qaxday deegaanka Basra ayaa BBC-da u sheegtay inay u adkeysan waayeen hubka dhinacayada dagaalamaya ay isku ridayeen.
Barakacayaasha

"Basra ayaan ka soo qaxay, waxan ka soo qaxay dagaal iyo rabsho iyo hubka la isku ridayay, caruurta ayaan la soo baxsaday, dadkeenii, beertinii iyo dhulkeenii ayaan ka soo tagnay, inta ayaana ku dhibaataysannahay, waa soo dhibtoonay, dhib inooma harsana." ayay tiri haweenay BBC uwarrantay.

Qoysaskan oo ay ka muuqato diifta ay ka qaadeen safarkii ay kaga yimaadeen deegaanadii ay ku noolaayeen ayaa sheegaya inaanay la soo bixin wax hantiya, kana soo tageen beerihii ay noloshooda ka soo saaran jireen.


Dadka kasoo barakacay deegaanno katirsan labada gobol waxay sheegeen in ay u adkeysan waayeen duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan.

Hay'adda NRC ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dad ku dhow 10-kun oo qof shacab ah ay ku barakaceen dagaallo ay ku lug lahaayeen ciidamo Mareykan iyo AMISOM waxayna ku baaqday in lakaalmeeyo dadkaas kasoo firxaday deegaanka Basra oo hodon ku ah wax soo saarka beeraha.

BBc
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr gantaal oo lala helay dhul beeraadka deegaanka Daarusalaam ay sababeen dhimashada sedax qof waxayna taasi cabsi gelisay dadka beeralayda ah ee noloshoodu ku tiirsaneed dalagyada ay dhulka kasoo saartaan.

Deegaanno ay kamid yihiin Basro,Jambaluul iyo Daniga ayay ka dhaceen dagaallo culus oo ay barbar socdeen duqeymo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee Drone-ka loo yaqaan waana midda ugu daran ee sababtay in shacabku isaga barakacaan dhulka miyiga ah.

Dowladda Federaalka oo sheegata in ay mas'uul ka tahay dalka soomaaliya ayaa indha u ah cadawga shisheeye ee xasuuqa ku haya shacabka soomaaliyeed.

Source:BBC+SomaliMeMo

Related Items