Vedio:Ciidanka Sudan Oo Gacanta Ku Dhigay Hoggaamiyihii Maleeshiyaadka Kooxda Janjawiidka.

Tuesday November 28, 2017 - 17:10:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Vedio:Ciidanka Sudan Oo Gacanta Ku Dhigay Hoggaamiyihii Maleeshiyaadka Kooxda Janjawiidka.

    Tobaneeyo Askari oo katirsan ciidamada xukuumadda Dabadhilifka Suudaan ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay gobolka Daarfoor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo Askari oo katirsan ciidamada xukuumadda Dabadhilifka Suudaan ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay gobolka Daarfoor.



Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada xukuumadda dabadhilifka Sudan iyo xoogag fallaaga ah ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Daarfoor ee wadanka Sudan.

Wararka ka imaanaya Sudan ayaa sheegaya in tobaneeyo qof oo isugu jira ciidamada dowladda iyo xoogag deegaanka ay ku dhinteen dagaallo aad uculus oo qarxay deegaan kaabiga ku haya xuduud beenaadka ay wadaagaan Sudan iyo Liibiya.



Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada loogu magac daray "Gurnadka deg degga ah” ee xukuumadda Sudan taabacsan ay qaadeen howlgal melleteri oo ka dhan ah xoogagga ilaalada xuduudaha oo horay isbahaysi ula ahaa dowladda Sudan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalladu ay sababeen dhimashada ugu yaraan 70 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah iyadoona ciidamada dowladda sudan ay gacanta ku dhigeen Nin lagu magacaabo Muuse Hilaal oo ahaa Hoggaamiyihii Maleeshiyada lagu magacaabo Janjawiidka oo 10-kii sanadood ee lasoo dhaafay ay isbaheysi ahaayeen xukuumadda Albashiir.

Afhayeen u hadlay taliska ciidanka Nidaamka Sudan ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ay ku qaadeen ciidamada loogu yeero ilaalinta xuduudda uu yimid kadib markii ay diideen in ay hubka wareejiyaan.

Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay degmada Almustariixah oo katirsan wilaayada waqooyiga Daarfoor, saraakiil u hadlay hoggaamiyaasha qabaa’illada ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka dhacay uu waacusub ufurayo loolanka kajira Daarfoor.

Maleeshiyaadka loo yaqaan Janjawiidka ayaa ka qeyb qaatay dagaal lagu tilmaamay ‘gummaad’ oo sanaddii 2003 ka bilaawday gobolka Daarfoor waxayna reergalbeedku ku eedeeyeen xukuumadda Khurduum iyo maleeshiyaadkan ay u adeegsanayso daminta kooxaha mucaaradka hubeysan ee wadankaasi ka dagaallama.

Related Items