Weerar Sedax Gaari Looga Gubay Ciidamada Booliska Kenya Oo Ka Dhacay Gobolka Lamu.

Tuesday November 28, 2017 - 17:24:40 in Wararka
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Sedax Gaari Looga Gubay Ciidamada Booliska Kenya Oo Ka Dhacay Gobolka Lamu.

    Xoogagga Al Shabaab ee ka howlgala gudaha wadanka Kenya ayaa markale weerar dhiig badan ku daatay ku qaaday ciidamo katirsan booliska wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan Al Shabab oo Lamu ku sugan
Xoogagga Al Shabaab ee ka howlgala gudaha wadanka Kenya ayaa markale weerar dhiig badan ku daatay ku qaaday ciidamo katirsan booliska wadankaasi.



Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen ciidamo katirsan booliska xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa deegaannada Wittu iyo Gamba oo kawada tirsan gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay sedax gaari oo ay wateen ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada.



"Mujaahidiinta ayaa weerar lagu gubay sedax gaari oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya ka fuliyay inta udhaxaysa deegaannada Wittu iyo Gamba ee gobolka Lamu” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dhinaca kale warbaahinta maxalliga Kenya ayaa sheegtay in laba askari oo booliska katirsan ladilay tira kalana ay dhaawacmeen kadib weerar jidgal ah oo gobolka Lamu ka dhacay.

Weeraradan ayaa imaanaya xilli ammaanka Kenya si aad ah loo adkeeyay islamarkaana munaasabad lagu caleema saarayay Uhuru Kenyatta ay ka dhacday magaalada Caasimadda ah ee Nairobi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items