Dhagayso: Ma banaantahay in la dhigo xaflado lagu Weynaynayo Mowliidka Nabi Muxamed SCW?!

Wednesday November 29, 2017 - 20:19:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhagayso: Ma banaantahay in la dhigo xaflado lagu Weynaynayo Mowliidka Nabi Muxamed SCW?!

    Iyadoo kooxaha Suufiyada ay dhigaan marka la gaaro bishii uu dhashay Nabi Muxamed SCW ayna dadka uga dhigaan tallabaadaaas in ay tahay mid diinta waafaqsan ayuu arrintaas ka hadlay mid kamida culimaa'udiinka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo kooxaha Suufiyada ay dhigaan marka la gaaro bishii uu dhashay Nabi Muxamed SCW ayna dadka uga dhigaan tallabaadaaas in ay tahay mid diinta waafaqsan ayuu arrintaas ka hadlay mid kamida culimaa'udiinka Soomaaliyeed.


Sheekh Nuur Macalim C/Raxmaan  oo kamid ah Culimada Rabaaniyiinta ah ayaa si qota dheer uga hadlay bidcada Mowliidka oo mar walba oo lagaaro bisha Rabiicul Awal ay Kooxaha Suufida ka oogaan magaalooyin katirsan caalamka oo Soomaaliya kamid tahay, wuxuu sheekh Nuur sheegay arrintan ay tahay bidco ay bilaabeen kooxo shiico ah oo lagu magacaabi jiray Faadimiyiin oo maamuli jiray Masar iyo wadamada dhaca waqooyiga qaaradda Afrika waa sedax boqol oo sano kadib oo ah quruunta Mufadalada ee Nabiga SCW sheegay.




Mowliidka waa bidco aan sal ku laheyn diinta islaamka Nabiga SCW,asaxaabtiisa iyo Taabiciyiinta midna lagama hayo marka soo ma ahan dhaqan looga dayanayo dhinacyo cadaw ku ah diinta islaamka.

Halkan ka dhageyso Kalimad kooban oo Sheekh Nuur Macalim Uga Hadlayo Xuska Mowliidka MP3

Related Items