Al Shabaab oo Weerar Saf ballaaran ah Ku Qaadday Saldhigyada Ciidanka Kenya Ku leeyihiin Hoosingoow.

Wednesday November 29, 2017 - 10:15:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar Saf ballaaran ah Ku Qaadday Saldhigyada Ciidanka Kenya Ku leeyihiin Hoosingoow.

    Warar dheeraada ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraada ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.


Dagaallada ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Xarakada Al Shabaab weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya iyo Maleeshiyaadka Axmed Dagaal ooge Axmed Madoobe.

Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ayaa sheegaya in Xoogaga Al Shabaab ay xalay saqdii dhexe dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada Kenya waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacada ah socday.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in weerarakii xalay ka dhacay deegaanka Hoosingoow khasaara dhimasho iyo dhaawac ah lagu gaarsiiyay ciidanka Kenya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gumeysiga Kenya ay madaafiic ku garaaceen dhulka Howdka ah ee ku hareeraysan Hoosingoow balse lamasoo sheegin khasaara dhashay madaafiicdaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

Related Items