Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka AMISOM Ee Magaalada Beled Weyne.

Thursday November 30, 2017 - 11:53:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka AMISOM Ee Magaalada Beled Weyne.

    Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in weerar madaafiic loo adeegsaday uu la kulmay mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in weerar madaafiic loo adeegsaday uu la kulmay mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Ugu yaraan laba madfac ayaa gudaha ugashay saldhigga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin galbeedka magaalada Beled Weyne sida uu qof goob jooge ah u sheegay shabakada SomaliMeMo.

"Xalay saqdii dhexe ayaan maqalnay laba qarax oo is xigxigay kuwaas oo ka dhashay madaafiic ku hoobatay gudaha saldhigga ciidanka Jabuuti ee qoraxsinka Beled Weyneā€¯ sidaas waxaa yiri qof SomaliMeMo lahadlay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaadiid caafimaad ay isla xalay gaareen saldhigga madaafiicdu ku dhacay halkaas oo ay ka daabuleen dhaawacyo gaaray ciidanka la weeraray.


Xarakada Al Shabaab ayaa dagaal dhan walba ah kula jirta ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items