Ciidamada Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM Oo Ku Hardamay Degmada Qoryooley Ee Sh.Hoose [Warbixin].

Thursday November 30, 2017 - 12:10:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM Oo Ku Hardamay Degmada Qoryooley Ee Sh.Hoose [Warbixin].

    Iska Hor'imaadyo xooggan ayaa markale dib uga qarxay mid kamida magaalooyinka gobolka Sh/Hoose oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska Hor'imaadyo xooggan ayaa markale dib uga qarxay mid kamida magaalooyinka gobolka Sh/Hoose oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay halkaas ku dhaxmareen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo xoogag katirsan Xarakada Shabaabu Mujaahidiin.

Dagaalka oo ahaa mid saacada badan qaatay ayaa ku fiday xaafadaha magaalada, dagaalka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ciidamo sahan ah oo ka kala tirsan AMISOM iyo Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in markii dambe dagaalku uu xoogeystay islamarkaana labada dhinac ay gurmadyo soo kala gaareen, ciidamada AMISOM ayaa gaadiid gaashaaman ka dalbaday saldhigga ay ku leeyihiin agagaarka Buundada halka Al Shabaab ciidamo dheeri ah ay dagaalka ku biirisay arrinkaas oo sababay in dagaalku xoogeysto.


Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in markii dambe ciidamada Uganda laga saaray magaalada waxayna dib ugu gurteen saldhigga ay ku leeyihiin banaanka Qoryooley.

Ciidamada Al Shabaab ayaa xalay maamulayay inta badan xaafadaha degmada Qoryooley waloow saaka waaberigii ay dib uga gurteen.

Ma ahan markii ugu horraysay oo dagaallo culus ay ka dhacaan gudaha degmadan oo kamid ah meelaha ay awoodda ku leeyihiin xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ee maamula 70% gobolka Sh/Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items