Jeneraalkii Xasuuqa Ugeystay Muslimiinta Boosnia Oo Sun isku Dilay.

Thursday November 30, 2017 - 12:33:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraalkii Xasuuqa Ugeystay Muslimiinta Boosnia Oo Sun isku Dilay.

    Mid kamida dambiilayaasha dagaalka ee ugu weyn caalamka ayaa isdilay kadib markii maxkamada kutal Wadanka Holland ay ku xukuntay xabsi daa'in.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida dambiilayaasha dagaalka ee ugu weyn caalamka ayaa isdilay kadib markii maxkamada kutal Wadanka Holland ay ku xukuntay xabsi daa'in.



Garsoorayaasha maxkamadda dambiyada The Hague ayaa sheegay in si lama filaan ah uu sun u cabay Slobodan Praljak oo ka mid ahaa lix hogaamiye mellatari oo racfaan ka qaatay xukun hore loogu xukumay oo ahaa Xabsi daa’in.

 

Maxkamadda u fadhiday dacwad qaadistiisa ayaa si dg deg ah u joojisay wuxuuna qaadigu amar ku bixiyay in laga kala yaaco fadhiga sababa la xiriira suntan uu cabay Slobadan oo halis gelin kartay noloshad shaqaalaha Maxkamadda.



"Markii lagu dhawaaqay in maxkamaddu diidday racfaankii uu ka qaatay xukunka Xabsi daa’inka ah ayuu Slobodan Praljak Afka saartay galas hortiisa yiillay oo sun ugu jirtay daqiiqad kadibna dhulka ayuu ku dhacay isagoo Meyd ah” sidaas waxaa yiri mid kamida qareenadii udoodayay dagaal oogahan halaagsamay.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo wata diyaarado ayaa goobta gaaray waxayna bilaabeen baaritaanno ku aaddan halka xabsiga lagasoo geliyay suntan uu isku dilay Jeneraal Slobodan Praljak iyo maadada ay ka sameysneed.

Slobodan Praljak ayaa mas’uul ka ahaa xasuuq muslimiinta Boosniya loo geystay sanadihii 1993-1995 xilligaas oo maleeshiyaad Kirishtaan Seeribiyaan iyo Korweeshiyaan ah ay gummaad daran ugeysteen muslimiinta.

Magaalada lagu magacaabo Mostar oo aheyd halkii uu xasuuqa ka geystay ayaa la sheegay in ay ka dhaceen dabaal degyo ay dhigayeen ehellada dadkii uu Jeneraal Slobadan ku xasuuqay, balse wali maxkamadda waxa loogu yeero Q.Midoobe ma xaqiijin geerida Ninkan dagaal oogaha ah.

Related Items