Mareykanka Oo Shacabkii Lagu Xasuuqay Deegaanka Bariire Ku Tilmaamay Cadow Bartilmaameed U Ahaa AFRICOM.

Thursday November 30, 2017 - 12:52:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Shacabkii Lagu Xasuuqay Deegaanka Bariire Ku Tilmaamay Cadow Bartilmaameed U Ahaa AFRICOM.

    War rasmi ah oo kasoo baxay melleteriga Mareykanka qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in weerar hubeysan oo ciidamadoodu ay ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye Bishii Agoosto ee lasoo dhaafay aan lagu dilin dad shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay melleteriga Mareykanka qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in weerar hubeysan oo ciidamadoodu ay ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye Bishii Agoosto ee lasoo dhaafay aan lagu dilin dad shacab ah.

Mareykanka ayaa warbixin  cusub markii ugu horraysay ku sheegtay mas’uuliyadda dadkii rayidka ahaa ee lagu xasuuqay deegaanka Bariire arrinkaas oo banaanka soo dhigaya falal dambiyeedyada foosha xun ee ciidanka Mareykanku ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya.

Warbixintan cusub oo ciwaan looga dhigay "Qiimeynta eedeymaha dad Rayid Ah oo la diley 25kii August oo la soo saaray”, ayaa si aan gambasha laheyn ugu dhiiranaysa in dadkii lalaayay ay ahaayeen cadow laakin Mareykanku madhihin waa Alshabaab waxaana isweydiin mudan waa kee Cadawga aan Al Shabaab Aheyn ee Mareykanku ku leeyahay dalka Soomaaliya?.


Dowladda Mareykanka waxay qiil uga dhigatay in weerarkan aan shacab lagu dilin maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan oo weerarka ka hor u xaqiijin in goobta la weeraray ay joogeen rag hubeysan.

"Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa” ayaa lagu yiri warbixinta.

Meydadka dadka lalaayay ayay odayaal dhaqameeyo katirsan Beesha Habar Gidir waxay kusoo bandhigeen Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho dhammaantoodna waxay ahaayeen odayaal dhaqameed laga yaqiin Sh/Hoose iyo shaqaale beeraha ka shaqeynayay.

Xasuuqii Bariire waxaa ku dhintay 11 qof shacab ah, Jeneraal Cirfiid Taliyihii hore ee ciidamada melleteriga DF-ka iyo wasiirkii G/dhigga oo labaduba iscasilay ayaa horay u sheegay in waxa ladilay ay ahaayeen shacab.

Hoos Ka Daawo Xasuuqa ay Mareykanku  ka geysteen gobollada Sh/Hoose iyo Jubbada dhexe.



























Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items