Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Askar lagu Dilay Oo Boosaso Ka Dhacay.

Thursday November 30, 2017 - 14:25:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Askar lagu Dilay Oo Boosaso Ka Dhacay.

    Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay 'Puntland' ee kajira deegaanada Waqooyi Bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay 'Puntland' ee kajira deegaanada Waqooyi Bari Soomaaliya.


Qaraxa oo dhacay maanta Barqadii ayaa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo ku sugnaa bar koontarool oo ay ciidamo joogeen, warar hordhac ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 11 askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa.

Saraakiil katirsan maamulka 'Puntland' ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qarax khasaara dhaliyay ciidamadooda lagula eegtay magaalada Boosaaso.

Ciidamada qaraxu haleelay waxaa ka dhintay sedax askari waxaana la sheegay in ay ahaayeen ciidamada ilaalada madaxtooyada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.


Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay faafisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha wuxuuna weerarkan imaanayaa xilli xiisado ay ka jiraan dekadda Caalamiga Boosaaso oo maalintii 6-aad xiran.

Warbaahinta Maxalliga ayaa sheegtay in rasaas ay fureen ciidamada 'Puntland' ay ku dhaawacmeen dad shacab ah oo wadada marayay, illaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen rasaas aan loo meel dayin oo ay ciidamadu fureen qaraxa kadib.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items