Dad Shacab Ah Oo Ku Dhaawacmay Duqeyn Diyaaradaha Mareykanka Ay Ka Geysteen Jubbada Hoose.

Friday December 01, 2017 - 10:39:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Shacab Ah Oo Ku Dhaawacmay Duqeyn Diyaaradaha Mareykanka Ay Ka Geysteen Jubbada Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarad aan duuliye laheyn oo dowladda Mareykanka ay leedahay ay duqeyn ugeysatay dad shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarad aan duuliye laheyn oo dowladda Mareykanka ay leedahay ay duqeyn ugeysatay dad shacab ah.

Xalay Fiidkii ayay diyaarad drone ah waxay weerar ku qaadday dad xoola dhaqata ah xilli ay ku sugnaayeen baadiyaha degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah sedax qof oo ay ku jirto haweenay ayuu dhaawac culus kasoo gaaray duqeyn ka dhacday dhulka baadiyaha ah ee u dhaxeeya degmada Afmadoow iyo deegaanka Qoorgaab  oo dhammaantood katirsan Jubbada Hoose.

Deegaanka duqeyntu ka dhacday ayaa 18KM ujira magaalada Afmadoow oo saldhigyo melleteri ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe.


Dadka reer Baadiyaha ah ayaa xilligii la duqeynayay waxay iftiinsanayeen Aaladda Toosh-ka oo xoolahooda ay uga ilaashadaan dugaagta taas oo keentay in diyaarado hawada dul heehaabayay ay duqeyn ugeystaan.

Dadka ku dhaawacmay duqeynta oo xaaladooda caafimaad aad uliidato ayaa loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa bishii NOV,2017 waxay xasuuq ba’an ka geysteen gobollada Sh/dhexe iyo Sh/hoose halkaas oo ay dad shacab ah ku laayeen waxayna si gaar ah ubeegsanayaan beeraleyda iyo xoola dhaqatada ah.

Duqeyntan ayaa imaanaysa xilli Taliska ciidanka Mareykanka Qaaradda Afrika ay maalin ka hor sheegteen Mas’uuliyadda shacabkii lagu laayay weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items