Al Shabaab Oo Weerar Askar Lagu Dilay Ka Geysatay Duleedka Degmada Matabaan.

Friday December 01, 2017 - 11:08:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Askar Lagu Dilay Ka Geysatay Duleedka Degmada Matabaan.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dagaal culus oo saaka aroortii ka qarxay deegaan ku dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dagaal culus oo saaka aroortii ka qarxay deegaan ku dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanata duleedka Matabaan ayaa sheegay in dagaal culus uu halkaasi ku dhaxmaray ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo maleeshiyaad daacad u ahaa mas’uul katirsan maamulka gobolka Hiiraan uqaabilsan DF-ka.

Dagaalka oo muddo saacad ku dhow socday ayaa yimid kadib markii weerar jidgal ah loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo ka amba baxday Matabaan kunasii jeeday magaalada Beled Weyne.

Mas’uul katirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay in si dirqi ah uu ku badbaaday halka weerarka lagu dilay ugu yaraan sedax askari.


Ilo wareedyo ayaa sheegay in goobta dagaalka lagu arkay Meydadka 5 askari iyo gaari NOHA ah oo ay gubeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Hugunka rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items