Al Shabaab Oo Gaari Ciidamo la socdeen Ku Qabsatay Duleedka Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan.

Saturday December 02, 2017 - 10:33:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Gaari Ciidamo la socdeen Ku Qabsatay Duleedka Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo shalay ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Beled Weyne iyo Matabaan ee bartamaha dalka Soomaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo shalay ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Beled Weyne iyo Matabaan ee bartamaha dalka Soomaliya.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab ay wadada ugaleen gaadiid kasoo amba baxay degmada Guriceel kunasii jeeday magaalada Beled Weyne.

Xoogaga Al Shabaab ayay usuurta gashay in ay gacanta ku dhigaan gaari qooqan ah oo ay wateen ciidamo hubeysan oo katirsan DF-ka.

Ilo wareedyo ay heshay SomaliMeMo ayaa xaqiijinaya in gaariga qooqanka ah iyo ciidamadii la socday oo lagu qabtay inta udhaxaysa Kalabeyrka iyo Matabaan ay Al Shabaab ula dhaqaaqeen dhanka deegaanada ay ka maamulaan Hiiraan.


illaa iyo hadda lama oga Masiirka askarta lagu qafaashay gaariga u gacan galay ciidamada Al Shabaab, waa weerarkii 2-aad oo 12 Saacadood ka fuliyaan gobolka Hiiraan shalay gelinkii hore ayay aheyd markii si dirqi ah uu ku badbaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo duleedka Matabaan lagu weeraray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items