Video: Ciidamo Mareykan Ah Oo Dib Ugu Laabtay Saldhigga "K One" Ee Dalka Ciraaq.

Sunday December 03, 2017 - 09:48:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Ciidamo Mareykan Ah Oo Dib Ugu Laabtay Saldhigga "K One" Ee Dalka Ciraaq.

    6 Sanadood Kadib Ciidamada Mareykanka ayaa dib ugu laabtay saldhig melleteri oo ay uga sugnaayeen waqooyiga wadanka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

6 Sanadood Kadib Ciidamada Mareykanka ayaa dib ugu laabtay saldhig melleteri oo ay uga sugnaayeen waqooyiga wadanka Ciraaq.



Kumanaan katirsan ciidamada dowlada saliibiyadda Mareykanka ayaa dib ugu laabtay mid kamida saldhigyadii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen wadanka Ciraaq markii ay duullaanka ku qabsadeen wadankaasi sanaddii 2003.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamo Mareykan ah oo wata gaadiid gaashaaman ah  iyo diyaaradaha dagaalka ay dib uqabsadeen saldhigga melleteri ee lagu magacaabo "K One” ee duleedka magaalada Kirkuuk waqooyiga wadanka Ciraaq.



Ciidamadan oo watay in kabadan 40 gaadiidka gaashaaman ah oo dhanka hawadana ay ka taageerayeen diyaaradaha qumaatiga ukaca ayaa ka guuray magaalada Arbiil ee xarunta maamulka Kurdistaan waxayna uwareegen dhanka magaalada Kirkuuk oo bishii lasoo dhaafay ay qabsadeen maleeshiyaadka shiicada xukuumadda Ciraaq.

Saldhigga "K One” waxaa ku yaal garoon melleteri oo caalami ah iyo dhismayaal adag waxaana la sheegay in maleeshiyaadka xukuumadda Ciraaq ay ku wareejiyeen ciidamada Americanka ah oo lafilayo in saldhiggan ay ka dhigtaan goob ay ka abaabulaan howlgallada ashahaadda ladirirnimo ee ka dhanka ah muslimiinta sunniga Ciraaq.

Wasaaradda Peshmarka ee taabacsan maamulka Calmaaniga Kurdistaan ayaa beenisay in ay wax ka ogtahay qabsashada ciidamada Mareykanka ee saldhigga sidoo kale xukuumadda dabadhilifka Ciraaq ayaa dhankeeda sheegtay in arrintan aysan waxba ka ogeyn waxaana muuqata in dhinacyadan ay iska fogeynayaan soo gelbinta ciidanka saliibiyadda Mareykanka ee ixtilaalay dhul hor leh.

Saldhigga "K One” ayay ciidanka Mareykanka isaga guureen sanaddii 2011 xilligaas oo Brack Obama Madaxweynihii hore ee Washington uu amar ku bixiyay in ciidanka American-ka ay isaga baxaan Ciraaq.

Saraakiisha Melleteriga ayaa sheegaya in saldhiggan melleteri ee kuyaal magaalada Kirkuuk uu marti gelin doono ugu yaraan 1500 oo Askari Mareykan ah iyo nuucyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka.

Lama oga in ciidamada saliibiyadda mareykanka ay gacan ku heynta magaalada Kirkuuk ee hodonka shidaalka ku ah ay dib ugusoo celin doonaan maleeshiyaadka Malaaxidada Kurdiyiinta iyo inkale.

Wasaaradda G/dhigga Mareykanka ayaa horay u sheegtay in ay kordhin doonto askarta iyo saraakiisheeda qeybta ka ah duullaanka saliibiga ah ee lagu qaaday wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

 

Related Items