Al Shabaab Oo Sheegtay in Gaashaanlle Max'med Raage Ay Ku Dishay Duleedka Magaalada Jowhar Ee Sh/dhexe.

Sunday December 03, 2017 - 11:18:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegtay in Gaashaanlle Max'med Raage Ay Ku Dishay Duleedka Magaalada Jowhar Ee Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta barqadii ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta barqadii ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in weerar dhabagal ah oo ciidamadoodu u dhigeen kolonyo gaadiid ah lagu dilay Gaashaanlle sare Max’med Raage oo ahaa taliyaha Ururka 2-aad ee Guutada koowaad ciidamada DF-ka ee ku sugan Sh/dhexe.

Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa si gaar ah u beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu la socday Gaashaanlle Max’med Raage arrinkaas oo u muuqday in xoogaga Al Shabaab ay si heer sare ah ula socdeen dhaq dhaqaaqa sarkaalka.


Ciidamada Al Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay gaarigii uu watay Max’med Raage balse rasaas dagaalka kasoo gaartay gaariga ayaa cillad gaarsiisay waxayna shabaabku ka furteen qori Dhashiike ah oo gaariga ku xirnaa kadibna dab ayay qabadsiiyeen.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay arkeen Meydadka dhowr Askari oo kuyaal hareeraha wadada laamiga ah, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay dib uga gurteen goobta dagaalka kadib markii ay gaareen hadafkii ay weerarka uqaadeen.

Wadada xiriirisa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa bilihii lasoo dhaafay marti gelinaysay weeraro dhiig badan uga daatay ciidanka dowladda iyo qaraxyo lala eeganayay gaadiidka ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items