Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalooyinka Capetown iyo London.

Sunday December 03, 2017 - 20:21:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalooyinka Capetown iyo London.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ingiriiska ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo muddo sanada ah ku noolaa wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Xirsi ayaa lagu toogtay Magaalada London
Wararka ka imaanaya wadanka Ingiriiska ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo muddo sanada ah ku noolaa wadankaasi.

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in Rasaas toos ah lagu dilay wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xirsi, muwaadinkan ladilay ayaa kamid ahaa shacabka kunool magaalada London.

Mas'uuliyiin u hadashay Jaaliyadda Soomaalida UK ayaa iyana xaqiijiyay in rasaas uu ridayay ruux hubeysan ay qeybaha sare ee Jirka ka haleeshay Max'med Xirsi.

Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa wadanka Koonfur Afrika ku dilay laba qof Soomaali ah kuwaasi oo kamid ahaa ganacsatada ka shaqeysata magaalada Cape town.


Bil walba ugu yaraan 2 qof oo ganacsata Soomaali ah ayaa lagu dilaa wadanka Koonfurta Afrika, oo sanadadii lasoo dhaafay ahaa meel kooxaha burcadda ah ay ku beegsadaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items