Shir Lagu Gorfaynayo Mustaqbalka DF-ka Oo Xalane Ka Furmay iyo Waddooyinka Muqdisho oo Xiran.

Monday December 04, 2017 - 10:25:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Lagu Gorfaynayo Mustaqbalka DF-ka Oo Xalane Ka Furmay iyo Waddooyinka Muqdisho oo Xiran.

    Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa xiran kadib markii lagusoo daadiyay kumanaan askari oo isugu jiro AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa xiran kadib markii lagusoo daadiyay kumanaan askari oo isugu jiro AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.
Waddooyinka ayaa loo xiray madaxda maamulka Villa Somalia iyo saraakiil caddaan ah oo ka qeyb gelaya shir xasaasi lagu sheegay oo maanta ka furmay xerada Xalane.

Kumanaan qof oo reer Muqdisho ah ayaa bilaabaya in ay cagahooda maalaan kadib markii hakad la geliyay dhammaan gaadiidka dadweynaha iyo midka sida caadiga ah loo leeyahay.

Shirka Xalane oo daba socda kulan Jimcihii lasoo dhaafay golaha amniga iyo Nabad gelyada Midowga Afrika ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa lafilayaa in lagu gorfeeyo mustaqbalka DF-ka iyo sida loo wajahi karo bixitaanka ciidamada shisheeyaha AMISOM.


Laacibiin caalami ah oo qeyb ka ah duullaanka Soomaaliya lagusoo qaaday ayaa xerada Xalane kula kulmaya Hoggaanka DF-ka waxaana lafilayaa in kulanka gaba gabadiisa war murtiyeed lagasoo saaro.

Shirka ayaa daba socda dhaqan gelinta qaraarkii UN-ka ee tirsigiisu ahaa UNSCR 2372 (2017) kaaso oo ku baaqayay in ciidamada AMISOM ay bixitaan bilaabaan inta aan lagaarin sanadda 2018.

Ismaaciil Sharqi oo ah madaxa ammaanka iyo Nabad gelyada Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor sheegay in habacsanaan baahsan laga dareemayo howlgallada ciidamada AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items