[Warbixin Murugo Badan]: Imaaraatka oo Barakicin ku haya Qowmiyadda Canfarta ee Ereteriya, Waa fariin ku socota Shacabka Soomaaliyeed .

Monday December 04, 2017 - 11:11:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Warbixin Murugo Badan]: Imaaraatka oo Barakicin ku haya Qowmiyadda Canfarta ee Ereteriya, Waa fariin ku socota Shacabka Soomaaliyeed .

    Ereteriya waa dal dhaca geeska Africa, waxaana caasimad u ah magaalada Asmara, inta ugu badan dadka wadankan oo lagu qiyaaso 4 milyan oo ruux waxay ku hadlaan luuqadda Carabiga, asal ahaan dalkuna waa dal Islaam, inkastoo sanadihii tagay lagu beeray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ereteriya waa dal dhaca geeska Africa, waxaana caasimad u ah magaalada Asmara, inta ugu badan dadka wadankan oo lagu qiyaaso 4 milyan oo ruux waxay ku hadlaan luuqadda Carabiga, asal ahaan dalkuna waa dal Islaam, inkastoo sanadihii tagay lagu beeray kirishtaan badan, qiyaastii Musliminta waxaa lagu sheegaa 40% dadka guud ee wadanka.


Bariga waxaa ka xiga badda cas, halka galbeedkana uu deris kala yahay dalka muslimka ah ee Suudaan, waxaana koonfurta ka xiga dalka Itoobiya, iyadona koonfur bari uu ka xigo dalka yare e asal ahaantiisa ka go’ay Soomaaliya ee lagu magacaabo Jabuuti, masaaxo ahaan dalka Ereteriya waxaa lagu sheegaa 118 kun oo km square.

Dalkan wuxuu xurnimada gaaray sanadkii 1993-dii, iyadoona sanadihii u dhexeeyay 1998 illaa 2000 ay dheceen dagaallo waaweyn oo dhexmaray Itoobiya iyo ciidamada Ertetriya,



Lagama yaqaano dalkan wax doorasho ah, illaa iyo hadana waxaa gacanta ku haya madaxweynaha nasraaniga ah ee Siyas Afwerki, kaas oo gacan bir ah ku maamulaya dadka, wuxuuna dhibaatada iyo culeeska ugu badan ku hayaa muslimiinta oo ah nisbada ugu badan ee wadanka degan.

Siyaasiyiin badan oo asal ahaan ku abtirsada Muslimiinta ayaa u xiran inkabadan toban sano, lamana oga halka lagu hayo, waxaana dhawaan dowladda Erteriya ay billowday iney culees hor leh saarto Muslimiinta, iyadoona ardeyda muslimiinta gaar ahaan gabdhaha dhigta madaarista islaamiga ah ku amartay inaaney qaadan xijaabka sharciga ah.

Iskuul lagu magacaabo Al-Diyaa oo ah madaraso islaami ah ayaa dhawaan lagu amaray in Ardeyda is dhex fadhiistaan, balse tallaabadaas maamulka Iskuulka ayaa ka horyimid, ardeyduna waxay dhigeen banaanbaxyo waaweyn, markii dambana waxaa xabsiga loo taxaabay maamulaha Iskuulka.

Dhibaatada Muslimiinta heysata kaliya kama timaado dhanka xukuumadda, waxaa masraxa dhacdooyinka ee Ertetriya labadii sano ee lasoo dhaafay ku lug yeeshey dowladda qar iska xoornimada badan ee Imaaraatka , taas oo dalkan ka wada dhibaatooyin aan laga sheekeyn Karin.


Cabdi Rixiim Maxamed Cabdullaahi waa 40 jir Eretriyan ah, wuxuu deganaa tuullada Mukac-kac ee dhacda wuqoooyiga magaalada Casab ee dekadda leh, wuxuu ahaa beeraley ku tiirsan geedo timireed beertiisa ku abuurnaa, hadda waa qoxooti aan waxba heysanin, waxaana dhulkiisa kasoo barakiciyay dowladda Imaaraatka.

Wuxuu lahaa Cabdi-Rixiim 250 geed timareed, aad ayuu qalbigiiga ugu xirnaa geedahaas, sababtoo ah waa beer uu ab ka ab uu lahaa, dhaxalna uu ku helay, maalinna ma fileynin in ay imaan doonto saacad isagoo baxsad ah kacarari doono beertiisa.

" Si kedis ah, iyadoo aysan jirin digniin hore waxaa noo yimid ciidamada Imaaraatka Carabta, waxayna naga soo eryeen dhulkeena, waxna nooma tarin baaqyada gurmad dalbashada ah ee aan u dirney dowladda Ereteriya” ayuu yiri Cabdi Rixiim isagoo ku sugan kaamam qoxooti oo ku yaala dalka Itoobiya mar uu la hadlayay webka Aljazeera.net.

Wuxuu Cabdi-Rixiim ku tilmaamayaa musiibo weyn waxa ku dhacay, wuxuuna sheegayaa in waxa ay ku sameeyeen Imaaraatku aysan xitaa kala kulmin gumeystihii Talyaaniga iyo midkii Itoobiya oo dhulka Ereteriya sanooyin xiriir ah xoog ku joogay, wuxuuna intaa raaciyay " Iimaanka aan Allah rumeysanahay ayaa Iga ilaaliyay inaan waasho, sida ku dhacdayba ilmo adeero badan oo markii Imaaratku ka barakciyay dhulkooda waashey”.

Imaaraatku kuma kaaftomin oo keliya in dadkan ay ka barakiciso tuuladooda, balse waxay uga dabatimid magaalada Casab ee Ereteriya oo dadkan intooda badan usoo barakaceen, kana noqdeen kalluumeysato noloshooda ku maaraya waxay badda kasoo helaan, balse waxay Imaaraatku dagaal aan kala joogsi lahayn kusoo qaaday doomaha yar yar kalluumeysatadan, iyadoona dishey 5 Ruux oo kamid ah Ilma adeerada la dhashey Cabdi Rixiim.

Isagoo hadlaya Cabdi Rixiim wuxuu intaa ku daray " Imaaraatku waxay naga eryeen dhulka iyo badda” tani waa murugo xeeldheer , oo soo bandhigeysa wejiga dhabta ah ee Imaaraatka carabta.

Wuxuu ku qasbanaaday Cabdi Rixiim maadama dhul beeraadkiisa laga burburiyay, lagana hor istaagay in xeebaha magaalada Casab uu ka kalluumeysto, isaga iyo dhowr qofood oo rag ah oo ay la socdaan xaasaskooda iyo caruurtooda iney kasoo gudbaan xuduud beenaadka Itoobiya iyo Eratriya.

Marar badan ayay halis la kulmeen intii lagu guda jiray safarkan halista badan, sababtoo ah dowladda Ereteriya ma ogola in dadkeeda u gudbaan dalka Itoobiya oo colaad iyo dagaallo taariikhi ah u dhexeyso.

Wuxuu Cabdi Raxiim mar la waydiiyay waxa ku qasbay in xaaskiisa iyo caruurtiisa safarkan halista badan soo geliyo uu ku jawaabay inuu ka baqay in ehelkiisa la dhibaateeyo ama lacago ganaax ah oo gaaraya 2380 doollar laga qaato, lacagtaas oo sida qaanuunka Ereteriya uu dhigayo laga qaado qoyska qof kamid ah xubnihiisa uu u baxsado dalka Itoobiya.

Ibraahim Maxamed Cumar oo 28 jir ah, Cali Maxamed Nuur oo 26 jir ah, iyo Cali Xuseen Axmed oo 20 jir ah, dhamaantoodana ku sugan Itoobiya, soona raacay Cabdi Rixiim ayaa diiday in sawirro laga qaado wajiyadooda, maadamaa ehelladooda ay weli ku suganyihiin magaalada Casab ee Ereteriya, waxayna sababta ay uga soo carareen dalkooda ku sheegeen iyagoo ka baqaya in xoog lagu ciidameeyo.


Dad u dooda arimaha waxa loogu yeero xuquuqda Insaanka oo Ereteriya kasoo jeeda ayaa ku tilmaamaya tirada dadka laga barakciyay tuulada Mukac-kac, hantidoodana uu Imaaraatku burubriyay iney gaarayaan 1000 Ruux, waxayna badankooda u carareen dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Yaman oo ay dagaallo ka soconayaan.

Heshiis labo sano kahor dhexmaray Siyas Afwerki madaxweynaha Ereteriya iyo dowladda Imaaraatka ayay dowladani kula wareegtay dekadda weyn ee magaalada Casab, iyo tuulada Mukac-kac, taas bedelkeedana waxay dowladda Erteriya heleysaa sanadkiiba lacag gaareysa 500 oo milyuun oo doollarka maraykanka ah.

Arinta la yaabka leh waxay tahay in dadkii lahaa dhulkaas si qasab ah lagu barakcinayo, islamarkaana lacagihii laga helay dhulkooda ay ku dhacayaan jeebka Siyas Afwerki.

Imaaraatka ayaa dil, barakcin iyo xir xiris isugu daray muslimiinta Ereteriya ee dega dhulkan, iyagoo mar marsiyo ka dhiganaya iney ka baqayaan in kalluumeystada qaar ay wada shaqeyn la yeeshaan malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaalama dalka Yaman, Imaaraatkuna ku andacoodo inuu la dagaallamayo.


Dhaaha Ibraahim ayaa telefeshinka Aljazeera uga sheekeynaya cabsida uu dareemayo iyo dhibaatada ay Imaaraatku geysteen oo indhihiisa uu kusoo arkay, wuxuuna sheegaya in lix bilood kahor diyaaradaha Imaaraatku dileen 6 Ruux oo ilmo adeeradiisa kamid ah, kuwaas oo kalluumeysato ahaa, wuxuuna ninkan hadda ku suganyahay dalka Itoobiya oo shan bilood kahor uu yimid, halkaas oo uu kula hadlay Aljazeera.

Inkastoo dowladda Itoobiya aysan jeceyl ay u qabto Muslimiinta Erteriya gaar ahaan kuwa canfarta aysan usoo dhaweynin dadkan, hadana waxay uga faa’ideysaneysaa dowladda Ereteriya oo siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.

Cali Muxamed Nuur waa mid kamid ah kalluumeystada, wuxuu sheegayaa inuu kasoo baxsaday xabsi ku yaala dalka Ereteiya oo ay dusha sare ka maamulaan Imaaraatka, waxaana qaabka uu kusoo baxsaday uu ku sheegay inuu la heshiiyay mid kamid ah ilaalada xabsiga oo isaga qudhiisa usoo cararay Itoobiya, halkaas oo hadda ku yahay qoxooti.

" Xabsiga intii aan ku jiray waxaa jiray dad badan oo la tacdiibiyay, waxaa dadka ku xirnaa xabsiga kamid ah dad Carab ah oo aan u maleynayo iney Yamaniyiin yihiin, mararka qaarna waxaan maqli jiray qeyladooda marka la tacdibinayo” waxaa sidaas yiri Cali Muxamed Nuur oo muda ku jiray xabsi Imaaraatku ku leeyihiin saxaraha dalka Ereteriya.

Horay ayaa hay’daha sheegta xuquuqda Insaanka sida Human Rights watch waxay u sheegeen in dalka Ireteriya ay ku yaalaan xabsiyo qarsoodi ah oo Imaaraatku leeyahay, kuwaas oo si foolxumo badan loogu tacdiibyo dad Muslimiin ah oo Imaaraatku kasoo qab qabtay wadamada caalamka Islaamka ee uu duulaanka ku joogo.

Ibraahim Muxamed Cumar oo 2 bilood kahor soo gaaray Itoobiya ayaa mar kasta oo uu soo xusuusto falalkii guracanaa ee Imaaraatku kula kaceen, isagoo murugeysan wuxuu oranayaa Xasbunallaahu Wa nicmal Wakiil” Imaaraatka Alle ayaa ka weyn,”.

Dadkan ay wareystay Aljazeera.net ayaa ciidamada Imaaraatka ee jooga Ereteriya ku tilmaamay iney yihiin wuxuush ma naxaan ah, " waxay dulleysanayaan shacabkan miskiinka ah, waxayna noola dhaqmayaan sida xayawaanatka oo kale” waxaa sidaas yiri Muxamed Cumar oo kamid ah dadka Itoobiya ku sugan ee kasoo cararay Jaxiimada Imaaraatku ee Ereteriya.

Arinta ugu xanuunka badan ee ay sheegayaan dadkan la wareystay waxay tahay in ciidamada Imaaraatka ay dadka deegaanka ka dalbadaan in loo keeno gabdho ay ka zineystaan, waxaana dhaawacan dhiigaya ee Imaaraatku ku reebay shacabka muslimka ah ee Ereteriya u muuqdaa mid ay adagtahay in la hilmaamo.

Halkan Soomaaliya, wuxuu Imaaraatku la wareegay dekado badan oo ku yaala gobollo kala duwan, waxaa kamid ah dekadda Boosaaso ee gobolka Bari, iyo dekadda Berbera ee maamulka gooni goosadka Soomaali-land, waxaana ciidamo farabadan oo Imaaraatka hoostaga ay joogaan magaalada Muqdisho.

Wuxuu Imaaraatku galaan gal siyaasadeed oo baaxad leh ku leeyahay maamul goboleedyada Shisheeyaha hoos yimaada ee ka dhisan dalka, iyagoona doonaya iney ku jilba fidsadaan dhulkan hodanka ah.

Waxay soo wadaan Imaaraatku waa wax ka daran waxay hadda ka geysanayaan dalalka Yaman iyo Ereteriya, haddii shacabka Soomaaliyeed uusan ka hortagin dhul ballaarsiga uu Imaraatku wado, waxaa la filan karaa in dalkan ay ka geystaan wax aan horey Taariikhdu usoo marin.

Dadka qaar ayaana dowladda Imaaraatka ku tilmaama dad leh dhaqan Yahuudeed oo xasad badan, waana sida ka muuqata ficilladooda.

Halkan ka dhagayso Warbixin murugo badan Wejiga qarsoon ee Imaaraatka ee dalka Ereteriya


Xigasho: Aljazeera.net
Tarjumadda: Radio Alfurqaan

Related Items