Faah Faahin: Gaari Uu lahaa Taliyaha Ciidanka 'Xoogga' Oo Lagu Qarxiyay Gudaha Villa Baydhabo.

Monday December 04, 2017 - 11:29:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Gaari Uu lahaa Taliyaha Ciidanka 'Xoogga' Oo Lagu Qarxiyay Gudaha Villa Baydhabo.

    Wararka nagasoo gaaraya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan lagu weeraray saldhig melleteri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka nagasoo gaaraya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan lagu weeraray saldhig melleteri.

Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa la sheegay in lala eegtay xarunta Villa Baydhabo oo ah halka uu degganyihiin saraakiisha ugu sarraysa ciidanka Melleteriga DF-ka.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay qaraxa ayaa haleelay gaari uu lahaa Taliyaha ciidamada 'Xoogga' Jeneraal Cabdi Wali waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlayay inta badan xaafadaha ku dhow Villa Baydhabo oo ah saldhigga ugu weyn ee ay ku shaqeeyaan saraakiisha ugu sarraysa ciidamada melleteriga DF-ka.


Weerarkan ayaa imaanaya xilli dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho ay xireen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items