Sawirro+Video: Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Oo Dilay Cali Cabdalla Saalix Madaxweynihii Hore Ee Yemen.

Monday December 04, 2017 - 16:21:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Video: Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Oo Dilay Cali Cabdalla Saalix Madaxweynihii Hore Ee Yemen.

    Dagaallo culus ayaa wali ka socda qeybo badan oo katirsan wadanka Yemen dagaalladaas oo u dhaxeeya maleeshiyaad xulufo ku ahaa dagaalka ka dhanka ah xulufada Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa wali ka socda qeybo badan oo katirsan wadanka Yemen dagaalladaas oo u dhaxeeya maleeshiyaad xulufo ku ahaa dagaalka ka dhanka ah xulufada Sacuudiga.


Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ay la wareegeen dhismayaal muhiim ah oo kuyaal bartamaha magaalada.

Wariyaal ayaa soo sheegay in boqolaal dagaalyahan oo Xuuthiyiinta katirsan ay gudaha ugaleen sedax guri oo ay deganaayeen wiilasha Cali Cabdalla Saalax.

Jugta qarax xooggan ayaa laga maqlay guriga Madaxweynihii hore ee Yemen halkaas oo la sheegay in uu ku dhintay, Nin jeneraal ahaa oo kamid ahaa ilaalada Saalix ayaa isna lagu dilay qarax.



Telefeshin taageera Xuuthiyiinta ayaa faafiyay muuqaallo muujinayay maleeshiyaadka oo qarxinaya guriga Cali Cabdalla Saalax.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in Saalix lagu dilay qarax.

Video ay faafiyeen Maleeshiyaadka iiraan taageersan ayaa muujinayay Meydka saalix oo ay ku sideen maro bedebo kala duwan leh waxayna xilligaas ku dhawaaqayeen Erayo Muujinayay guul.

Cali Cabdalla Saalix oo lagu riday kacdoon sanaddii 2011 ka dhacay wadanka Yemen ayaa ahaa siyaasi Faasidka ah oo maleeshiyaadka shiicada usuurta geliyay in ay qabsadaan wadanka islamarkaana dagaal sokeeye oo halaag badan dhaliyay geliyaan malaayiin qof oo muslimiin ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay wadada ugaleen kolonto gaadiid ah oo uu la socday Saalix xilli uu ubaxsanayay deegaanka Koonfur uga beegan magaalada Caasimadda ah, balse Xuuthiyiinta ayaa faafiyay warar ishaacaad ah oo ku saabsan in qarax ay ku dileen.

Saalix ayaa muddo 33 sana ah gacan bir ah ku maamulayay wadanka Yemen wuxuuna kamid ahaa hoggaamiyaasha faasidiinta ah ee dib udhaca dhan walba ah u horseeday muslimiinta caalamka carabta.

Halkan Hoose Ka Daawo Video-ga Meydka Cali Cabdalla Saalix




Related Items