Sarkaal Katirsanaa Booliska Maamulka 'Puntland' Oo Boosaaso Lagu Dilay.

Monday December 04, 2017 - 16:20:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Booliska Maamulka 'Puntland' Oo Boosaaso Lagu Dilay.

    Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska maamulka isku magacaabay 'Puntland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska maamulka isku magacaabay 'Puntland'.

 Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta duhurkii Boosaaso lagu dilay Sarkaal katirsanaa taliska booliska ‘Puntland’ oo magaciisa lagusoo gaabiyay Qaasim.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay dilka geysteen kadibna ay goobta si nabad gelya ah uga baxsadeen, xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilka sida ay faafisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items