Rooboow "Anigu isma Dhiibine Wadahadal Siyaasadeed Ayaan lagalay Dowladda".

Tuesday December 05, 2017 - 07:39:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rooboow "Anigu isma Dhiibine Wadahadal Siyaasadeed Ayaan lagalay Dowladda".

    Mukhtaar Rooboow oo Abuu Mansuur oo bishii Augst 2017 isku dhiibay ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa wali ku sugan magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulamo kula qaatay saraakiil katirsan melleteriga Itoobiya iyo mas'uuliyiin katirsan maamulka Koo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mukhtaar Rooboow oo Abuu Mansuur oo bishii Augst 2017 isku dhiibay ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa wali ku sugan magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulamo kula qaatay saraakiil katirsan melleteriga Itoobiya iyo mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed.


Rooboow oo shalay wariyaasha kula hadlayay madaxtooyada Baydhabo ayaa saxafiyiinta ku amray in ay ugu yeeraan "Abuu Mansuur oo wadahadal lagalay dowladdda Federaalka" wuxuu uga digay wariyaasha in ay ugu yeeraan "Rooboow oo dowladda isku dhiibay".

Wuxuu sheegay in isagu uusan isdhiibin balse uu sifo wadahadal siyaasadeed ah ku tagay magaalada Xudur kadibna uu usii gudbay magaalada Muqdisho halkaas oo uu wadahadal rasmi ah kulasoo galay mas'uuliyiinta ugu sarraysa Dowlada Federaalka iyo saraakiisha xafiiska UN-ka ee Soomaaliya.


Abuu Mansuur ayaa wariyaashii uu lakulmay u sheegay in maalmaha soo socda uu goob fagaare ah kula hadli doono shacabka magaalada Baydhabo uuna sheegi doono shaqa uu ka qaban doono maamulka Koonfur Galbeed ama dowladda Federaalka.

"Meel fagaare ah ayaan bulshada kula hadli doonaa maalmaha soo socda markaasna waxaan balballaarin doonaa qorshahaygaā€¯ayuu yiri Muqtaar Roobow.

Abuu Mansuur oo horay usoo noqday Afhayeenkii Xarakada Al Shabaab ayaa maalmahan ku mashquulsanaa booqashada saldhigyo melleteri oo magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ay uga suganyihiin ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah waxaana loo badinayaa in uu hoggaamin doono dagaal melleteri oo ka dhan ah Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items