Al Shabaab Oo Weeraro Madaafiic Ah Ku Qaadday Saldhigyo Melleteri oo kuyaal Magaalooyinka Beled Weyne iyo Afmadoow.

Tuesday December 05, 2017 - 11:28:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weeraro Madaafiic Ah Ku Qaadday Saldhigyo Melleteri oo kuyaal Magaalooyinka Beled Weyne iyo Afmadoow.

    Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in markale weerar madaafiic ah lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in markale weerar madaafiic ah lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin magaaladaasi.


Xalay saqdii dhexe ayay xoogag katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay weerar aad u xooggan ku qaadeen saldhig ciidamada Jabuuti ka sameysteen Galbeedka magaalada Beled Weyne gobolka Hiiraan, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo ka dhashay madaafiicda ku hoobatay gudaha saldhigga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saaka aroortii hore ay saldhigga la duqeeyay ay gaareen gaareen dhowr gaari oo kuwa caafimaadka ah waxayna daabuleen meydad iyo dhaawacyo.


Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa weeraro loo adeegsaday madaafiic ku qaaday dhowr saldhig ciidamada gumeysiga Kenya ay ku leeyihiin degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in saaka aroortii hore jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan laga maqlayay saldhigyada AMISOM ee Afmadoow, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan lagu qaaday ciidamada shisheeye ee ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Hiiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items