Dowladda iiraan Oo Bogaadisay Dilkii Cali Cabdalla Saalix iyo Duqeymo Culus Oo Ku Socda Magaalada Sanca.

Tuesday December 05, 2017 - 11:41:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dowladda iiraan Oo Bogaadisay Dilkii Cali Cabdalla Saalix iyo Duqeymo Culus Oo Ku Socda Magaalada Sanca.

    Boqolaal qof oo shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen duqeymo bahalnimo oo ka socda xaafado katirsan magaalada Caasimadda ah ee Sanca wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof oo shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen duqeymo bahalnimo oo ka socda xaafado katirsan magaalada Caasimadda ah ee Sanca wadanka Yemen.


Duqeymaha oo ah kuwa aan kala joogsi laheyn ayaa bilaawday shalay gelinkii dambe saacado kadib markii maleeshiyaadka Shiicada Xuuthiyiinta ay dileen Cali Cabdalla Saalix madaxweynihii hore ee wadankaasi.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in diyaaradaha isbahaysiga dowladaha carabta ay si gaar ah u beegsadeen xaafadaha ku dhow qasriga madaxtooyada iyo halka loo yaqaan Meydaan sabciin halkaas oo deganyihiin saraakiisha maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta.


Isbahaysiga Carabta ee Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta hoggaaminayaan ayaa shacabka ku nool magaalada Sanca ugu baaqay in ay ka fogaadaan saldhigyada xuuthiyiinta Fogaan dhan 500 oo Mitir.

Dhinaca kale Cabdi Malik Alxuuthi hoggaamiya Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa dilka Cali Cabdalla Saalax ku tilmaamay fashilinta shirqool ay dowlado cadaw ah usoo maleegeen Yemen, wuxuu sheegay in iyagu hadda ay maamulayaan dhammaan goobihii lagu dagaallamay.

Dhinaca kale dowladda Shiicada Iiraan oo Jawaab ka bixisay dilka Saalix ayaa sheegtay in uu ahaa qorshe lagu difaacayay kacdoonka Yemen wax ay ugu magac dareen.

Taliyaha ciidamada Kacaanka iiraan ayaa warbaahinta Afka dowladda ku hadasha u sheegay in waxa ka socda Yemen ay yihiin howlgal lagu dhiciseynayo Mu'aamaro halis ah isagoo bogaadiyay dilkii Cali Cabdalla Saalix madaxweynihii hore ee Yemen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items