Qarax Gaari Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Deegaanka Jiracle Ee Gobolka Hiiraan.

Tuesday December 05, 2017 - 11:56:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Deegaanka Jiracle Ee Gobolka Hiiraan.

    Khasaara xooggan ayaa maleeshiyaad katirsan Maamulka 'HirShabelle' kasoo gaaray weerar hor leh oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari lagu qarxiyay Muqdisho
Khasaara xooggan ayaa maleeshiyaad katirsan Maamulka 'HirShabelle' kasoo gaaray weerar hor leh oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Hiiraan.


Wararka ka imaanaya deegaanka Jiracle ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax miino lala helay gaadiid ay wateen maleeshiyaad katirsan maamulka Beled Weyne.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan kadibna ay sheedda sare ka arkeen gaari Cabdi Bile ah oo wadada laamiga ah ku dhax gubanaya, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ciidamadii gaariga la socday uu kasoo gaaray qaraxa.


Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ka fulinayso wadada xiriirisa degmooyinka Beled Weyne iyo Matabaan, Jimcihii lasoo dhaafay illaa laba weerar ayaa ka dhacday wadadaasi waxaana si dirqi ah ku badbaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Taliye ciidan halka 6 askari lagu dilay mid kamida weeraradii dhacay 1,December 2017.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items