Kumuu Ahaa Cali Cabdalla Saalax? Muxuuse Dilkiisu Uga Dhiganyahay Dalka Yemen? [Warbixin Muhiim Ah].

Tuesday December 05, 2017 - 19:26:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kumuu Ahaa Cali Cabdalla Saalax? Muxuuse Dilkiisu Uga Dhiganyahay Dalka Yemen? [Warbixin Muhiim Ah].

    Cali Cabdalla Saalax wuxuu ahaa Siyaasi, General Ciidan iyo Dagaal-Ooge Qabiileed. Wuxuu dalka Yemen Maamulayey muddo 33 sano ah illaa ugu dambeyntii lagu riday kacdoonkii shaciga ahaa ee dalkaas ka bilowday sanadkii 2011-kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Cabdalla Saalax wuxuu ahaa Siyaasi, General Ciidan iyo Dagaal-Ooge Qabiileed. Wuxuu dalka Yemen Maamulayey muddo 33 sano ah illaa ugu dambeyntii lagu riday kacdoonkii shaciga ahaa ee dalkaas ka bilowday sanadkii 2011-kii.

Wuxuu ku dhaawacamay isku day dil oo lagu khaarijin rabay sanadkii 2011-kii ka hor inta uusan ogolaanin heshiiskii Khaliijka eek u hogaamisay in uu xilka iska casilo, xukunkana ku wareejiso ku xigeenkiisiisii Cabdu Rabih Haddii Mansuur.


Markale ayuu dib ugu soo noqday Siyaasadda sanadkii 2014-kii, xilligaas wuxuu isbaheysi awood qeybsi ah la sameeyey Xuuthiyinta intii lagu gudajiray kacdoonkii lagu ridayey Cabdu Rabih Mansuur, Wuxuu Xuuthiyiinta la sameystay gole wadajir ah oo awood qeybsi ah, ka dib wuu ka baxay baxay heshiiskaas Xuuthiyiinta, wuxuuna loolan military la galay Xulifadiisii hore taas oo ku hogaamisay dagaal keenay gaaridiisa.


Haddaba halkan ka dhageyso Warbixin qiima badan oo ku saabsan Taariikh Nololeedkiisa MP3.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items