Kooxo Hubeysan Oo Oday Dhaqameed Ku Dilay Magaalada Baraawe Ee Sh/Hoose.

Wednesday December 06, 2017 - 08:19:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo Hubeysan Oo Oday Dhaqameed Ku Dilay Magaalada Baraawe Ee Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in weerar ka dhacay magaalada Baraawe lagu dilay mid kamida odayaasha dhaqanka ee caanka ka ah gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in weerar ka dhacay magaalada Baraawe lagu dilay mid kamida odayaasha dhaqanka ee caanka ka ah gobolkaasi.

Xalay Fiidkii ayay xoogag hubeysan waxay gudaha Baraawe ku toogteen Nabadoon Sayidinaa Xaajoow oo kamid ahaa Odayaasha caanka ah Baraawe iyo Sh/Hoose, goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay toogteen Nabadoonka kadibna ay goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen.

Daqiiqado kadib markii uu falka dilka ah dhacay ayay ciidamo farabadan waxay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha degmada Baraawe balse uma suurtagelin in ay gacanta ku dhigaan raggii weerarka fuliyay oo goor sii horraysay ka dhaqaaqay goobta.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in magaalada Baraawe xalay ku waaberiisatay Bandaw, boqolaal katirsan ciidamada melleteriga DF-ka ayaa xalay lagu arkayay waddooyinka degmada Baraawe, Sayidinaa Xaajoow ayaa la sheegay in uu wada shaqeyn dhow lalahaa maamulka DF-ka taabacsan ee kajira gobolka Sh/Hoose.

Ma ahan markii ugu horraysay oo odayaal dhaqameedyo la shaqeynayay dowladda Federaalka lagu dilo deegaanno iyo degmooyin katirsan Gobolka Sh/hoose oo 70% ay maamusho Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items