Dhageyso: Shirkii Amniga Ee Muqdisho Kusoo Gaba Gaboobay Oo la Sheegay in Lagu Bahdilay Dowladda Federaalka.

Wednesday December 06, 2017 - 11:32:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Shirkii Amniga Ee Muqdisho Kusoo Gaba Gaboobay Oo la Sheegay in Lagu Bahdilay Dowladda Federaalka.

    Xayn daabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagusoo gaba gabeeyay Shir looga hadlayay mustaqbalka dowladda Federaalka kadib bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayn daabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagusoo gaba gabeeyay Shir looga hadlayay mustaqbalka dowladda Federaalka kadib bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.


Shirkan oo laba maalmood socday waxaa kasoo qeyb galay dhammaan dhinacyada ku lugta leh gmeysiga Soomaaliya, madaxda dowladda Federaalka iyo dhammaan maamul goboleedyada wuxuuna shirku ahaa mid daba socday shirkii ka dhacay magaalada London bishii May 2017.

Saraakiisha ka socda waxa loogu yeero Beesha Caalamka ee kulanka ku sugnaa ayaa diiday qodobo ay dowladda Federalka la shirtagtay sida arrimaha ammaanka in dhowrista xuquuqul insaanka, khudbadihii ay jeediyeen madaxda DF-ka iyo maamul goboleedyada ayaa laga dheehan karay khilaaf iyo kala aragti duwaanishiyo arrinkaas oo ay layaabeen kasoo qeyb galayaasha.


Diin Max'med Diini oo ka qeyb galay shirka islamarkana metelayay waxa loogu yeero 'Ururada Bulshada Rayidka' ayaa sheegay in waxa halkaas kasoo baxay ay ahaayeen wax aan ucuntamin soomaalida.

Wuxuu sheegay in ceeb iyo waji gabax ay madaxda Dowladda Federaalka kala kulmeen shirka isagoo ka deyriyay in fashil uu ku socdo qorshaha loogu magac daray dhismaha ciidamada qaranka.

Halkan ka dhageyso Wareysi MP3

Isha Maqalka: BBC

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items