Video+Sawirro: Trump Oo Magaalada Qudus U Aqoonsaday in Ay Tahay Caasimadda Yahuudda.

Wednesday December 06, 2017 - 22:01:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video+Sawirro: Trump Oo Magaalada Qudus U Aqoonsaday in Ay Tahay Caasimadda Yahuudda.

    Waxaa goordhow soo gaba gaboobay khudbad uu jeediyay Hoggaamiyaha Mareykanka Donald Trump oo uu si rasmi ah magaalada Alqudus ugu aqoonsaday Caasimadda Yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goordhow soo gaba gaboobay khudbad uu jeediyay Hoggaamiyaha Mareykanka Donald Trump oo uu si rasmi ah magaalada Alqudus ugu aqoonsaday Caasimadda Yahuudda.

Trump ayaa sheegay in si rasmi ah Mareykanku  Caasimadda ‘Irsaa’iil’ ugu aqoonsaday Alqudus isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsanahay qaadashada go'aankan oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Wuxuu amray wasaaradda arrimaha dibadda in si degdeg ah safaaradda Mareykanka ugu raraan magaalada Alqudus, tallaabadan ayaa ah mid xasaasiyad iyo caro gelinaysa muslimiinta caalamka meel walba oo ay joogaan.

Magaalada Alqudus oo uu kuyaal Masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa waa magaalo muslimiintu leeyihiin oo gumeysi kujirta muddo ka badan 65 sanadood.


Yahuudda xoogga lagu deegaameeyay dhulalka Filasdiin waligoodd waxay aamisanaayeen in ay magaaladan leeyihiin balse tani ayaa ah markii ugu horraysay oo dowlad caalamka kajirta ay Yahuudda u aqoonsanto in caasimad ay u tahay Alqudus.

Alqudus oo ay leeyihiin muslimiinta waxaa ku yaal masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa oo ah goobta sedaxaad ee ugu kheyrka badan caalamka waana qibladii ugu horraysay ee muslimiinta.

Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa Yahuudda uga cudur daartay in tallaabadan uu lasoo daahay oo ay aheyd in uu mar hore qaado wuxuu sidoo kale sheegay in masjidka Barakeysan ee Al Aqsaa ay u cibaada tagaan dadka Yahuudda waana tallaab uu si rasmi ah ugu muujinayo in muslimiinta lagala wareegay masjidka.

Yahuudda ayaa qabsatay magaalada Alqudus iyo inta badan dhulalka Filasdiin sanadii 1948 xilligaas oo dowladaha Faransiiska iyo ingiriiska ay mandiqadda shaam kala qeybsadeen waxaana dhowr mar dhacay dagaallo u dhaxeeyay dowladaha Carabta iyo Yahuudda waxayna guushu raacday waxa hadda loogu yeero dowladda Israa'iil.



ترامب

Related Items