Sawirro: Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Go'aankii Trump Oo Caalamka islaamka Ruxay.

Thursday December 07, 2017 - 19:59:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Go'aankii Trump Oo Caalamka islaamka Ruxay.

    Malaayiin qof muslimiin ah ayaa maanta dibad baxyo ballaaran ka dhigay daafaha kala duwan ee caalamka kuwaas oo ay ugasoo horjeedeen go'aankii dowlada Mareykanka magaalada Qudus ay ugu aqoonsatay caasimadda Yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malaayiin qof muslimiin ah ayaa maanta dibad baxyo ballaaran ka dhigay daafaha kala duwan ee caalamka kuwaas oo ay ugasoo horjeedeen go'aankii dowlada Mareykanka magaalada Qudus ay ugu aqoonsatay caasimadda Yahuudda.

 Dhammmaan magaalooyinka dhulalka Filasdiin waxaa ka dhacay dibad baxyo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxayna muujinayeen diidmadooda ah in Qudus lasiiyo Yahuudda.

Magaalooyin ay kamid yihiin Ghaza,Ramallah,Alkhaliil iyo Alqudus ayay isugusoo baxeen malaayiin qof kuwaas oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Mareykanka iyo Yahuudda.

Dibada baxayaasha ayaa fagaarayaal ku gubay calamada dowladaha Mareykanka iyo Yahuudda, sidoo kale wadamada Turkiga.Indonesia iyo Pakistan waxaa ka dhacay dibad baxyo lagu diidanaa go’aankii Donald Trump ee magaalada Qudus u aqoonsanayay Caasimadda Yahuudda.


Maalinta Berri ah salaadda Jimcaha kadib ayaa lafilayaa in ay caalamka islaamka ay ka dhacaan dibad baxyo loogasoo horjeedo dhiibista magaalada Barakeysan ee qudus.



الجيش الإسرائيلي عزز قواته في الضفة الغربية المحتلة بسبب الاحتجاجات
معظم إصابات الفلسطينيين سببها الغاز المسيل للدموع والرصاص المطاطي
مواجهات بين شبان فلسطينيين وقوات الاحتلال في بيت لحم (الجزيرة)

محتجون فلسطينيون يحرقون العلم الأمريكي في غزة



Related Items