Video: Wiil Filasdiini Ah Oo Ka Yaabiyay Ciidamo Yahuud Ah Xilli Ay Dibad Baxyo Ka Socdeen Magaalada Qudus.

Monday December 11, 2017 - 11:06:43 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Wiil Filasdiini Ah Oo Ka Yaabiyay Ciidamo Yahuud Ah Xilli Ay Dibad Baxyo Ka Socdeen Magaalada Qudus.

    Kacdoonka ay shacabka muslimiinta filasdiin kala hortageen Go'aankii Mareykanku uu caasimadda Yahuudda ugu aqoonsaday magaalada Qudus ayaa meel sare gaaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kacdoonka ay shacabka muslimiinta filasdiin kala hortageen Go'aankii Mareykanku uu caasimadda Yahuudda ugu aqoonsaday magaalada Qudus ayaa meel sare gaaray.


Malaayiin qof Falasdiiniyiin ah ayaa taagan waddooyinka magaalooyinka ixtilaalka kujira sida Qudus,Alkhaliil iyo deegaannada loo yaqaan Daanta Galbeed.

Video si aad ah layskula dhax qaaday baraha Bulshada ayaa muujinayay Wiil dhalinyaro Filasdiini ah oo darsi udhigaya tobaneeyo ciidamo Yahuud ah, wiilka ayaa luqadda Englisk-ka oo fasiix ah kula hadlaya Askarta Yahuudda oo uu u sheegayo in ay dhici doonto maalin dhammaan Yahuudda xoog looga saarayo dhulalka Barakeysan ee ay xoogga ku qabsadeen.


"waxaa jiri doonta maalin aad naftiina ku oran doontaan Rabiyoow shalaytadeyniyeey maxaan uga dhalanay Israa'iil (Yahuud), waa maalin aad ilasoo xiriiri doontaan si aan idiin cafiyo, hadaad itusisaan awoowyadiin oo ku dhashay halkan oo Filasdiin ah waxaan idin siinayaa gurigeyga, waxaa tihiin soo galooti dibadda lagasoo daabulay oo dhulalkeeni xoog lagu dajiyay, xusuusta Britain iyo Roma oo sedax meelood mar caalamka qabsaday hadda halkee ku dambeeyeen isweydiiya,hadda israa'iil waxay doonaysaa in ay Falasdiin qabsato taas waxaa diidaysa Fitrada insaniyadda"ayaa kamid ahaa hadalladiisa.

Wuxuu ciidamada Yahuudda u sheegay in haddii ay iyagu adeegsanayaan hub casri ah ay Falasdiiniyiintu ku hubeysanyihiin iimaan ayna rumeysanyihin in maalin uun Yahuudda xoog looga saari doono dhulalka Barakeysan oo ay ixtilaaleen.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa ka yaabiyay tobanaan ciidamo Yahuud ah waxaana xilligaas magaalada Qudus waddooyinkeeda ka socday dibad baxyo ay dhigayaan shacabka Muslimiinta Filasdiin.

Hadalka xaqqa ah ee Ruuxan filasdiiniga ah uu ka horjeediyay ciidamada Yahuudda ayaa indhaha caalamka soo jitay waxaana si aad ah loogu faafiyay Telefeshinnada iyo Baraha Bulshadu ku wada xiriirto.



Related Items