Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya deegaanka Maroodile ayaa sheegaya in dagaal culus uu
halkaas ku dhaxmaray ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo maleeshiyaadka
Liyuu Booliska loo yaqaan ee ciidamada Itoobiya taabacsan.
Ilo wareedyo ay heshay SomaliMeMo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay
wadada ugaleen kolonyo gaadiid ah oo maleeshiyaadka Liyuu Booliska ay
ugelbinayeen dhanka deegaanka Qurac Joome ee dhaca xuduuda ay wadaagaan Bakool
iyo dhulka Somaligalbeed.
Ciidamada Al Shabaab ayay usuurta gashay in ay gubaan dhammaan gaadiidkii
saadka u siday maleeshiyadka Liyuu Booliska waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday
ciidamadii gaadiidka ilaalada ka hayay.
Sarkaal katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in
ciidamadoodu ay gubeen gaadiid badan oo sahay ka qaaday magaalada Beled Weyne
wuxuuna ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada jidgalka ah ee lagu
beegsanayo sahayda ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Faah Faahin: Al Shabaab Oo Gaadiid Sahay U Siday Ciidanka Liyuu Booliska Ku Gubtay Gobolka Hiiraan.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.