Sheekh Abuu Muscab "Dhimashada Weerarkii Iskoola Boliisiya 29 Askari Ayay Gaartay,Dagaalkuna Waa Sii Socan Doonaa" Dhageyso.

Thursday December 14, 2017 - 18:49:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Abuu Muscab "Dhimashada Weerarkii Iskoola Boliisiya 29 Askari Ayay Gaartay,Dagaalkuna Waa Sii Socan Doonaa" Dhageyso.

    Taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay weerar naf hurnimo oo maanta ka dhacay Xerada Iskoola Boliisiyo ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay weerar naf hurnimo oo maanta ka dhacay Xerada Iskoola Boliisiyo ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Cabdi Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus wuxuu uga hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii Iskoola Boliisiyo.

"Saaka aroortii hore halkii la oran jiray iskoola Boliisiyo ee degmada Xamar Jajab  magaalada Muqdisho,waxaa ka dhacday Camaliya istish-haadiya Mubaarakah halkaas waxaa ku sugnaa ciidan Murtadiin ah oo diyaar garoow ka waday,alle mahaddii walaalka mujaahidka ah waxaa u suurtagashay in halkaas uu gaaro oo uu camaliyadda ku fuliyo” ayuu yiri Abuu Muscab.


Al Shabaab waxay sheegtay in dhimashada ka dhalatay weerarka ay gaartay 29 askari halka dhaawacu uu sii caga cageynayo 35 Askari.

Sheekh Abuu Muscab ayaa ciidamada la weeraray ku sheegay kuwa is abaabulayay balse ay iyagu uga hormareen weerarka islamarkaana ay sii wadi doonaan beegsiga ciidamada DF-ka haddii ay ahaan lahaayeen Melleteri iyo Booliska.

Ugu dambeyn Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka Dowladda Federaalka in ay ka Towbadkeenaan la shaqeynta ciidamada AMISOM iyo shisheeyaha kale islamarkaana dadkooda dhinac ka raacaan haddii kale ay weerarada qaraxyada iyo kuwa tooska ah kusii socan doonaan.

Halkan ka degso Wareysiga MP3

ama Hoos ka dhageyso Youtube



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items