Dagaal Lagu Dilay Wiil Uu Dhalay Abuu Mansuur Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Xudur.

Friday December 15, 2017 - 19:40:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Lagu Dilay Wiil Uu Dhalay Abuu Mansuur Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Xudur.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo deegaan katirsan gobolka Bakool ku dhaxmaray ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad ay soo hubeysay dowladda Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore Abuu Mansuur xilligii Maxaakimta sanaddii 2006
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo deegaan katirsan gobolka Bakool ku dhaxmaray ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad ay soo hubeysay dowladda Itoobiya.


Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta duhurkii xilli lagu jiray salaadda Khudbada Jimca ah uu deegaanka Abal oo qiyaastii 18 KM ujira magaalada Xudur ka bilaawday dagaal culus.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Roobow ay weerar ku qaadeen deegaanka Abal oo uu kajiro maamul islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab.


Dagaalka oo muddo saacad ka badan socday ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray maleeshiyaadkii isgarabsanayay ee duullaanka kasoo qaaday dhanka magaalada Xudur.

Wariye ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in dagaalkii maanta lagu dilay saraakiil sarsare oo katirsan ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka Abuu Mansuur waxayna dhimashadu gaareysaa illaa iyo Afar.

Saraakiisha lagu dilay dagaalka waxaa kamid ah Cabdullaahi Mukhtaar Rooboow oo ah wiil uu dhalay Abuu Mansuur iyo Taliyihii Abuu Mansuur oo magaciisa lagusoo gaabiyay Manuur Ganeey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in markii dagaalku kululaaday ciidamo Itoobiyaan ah ay usoo gurmadeen maleeshiyaadka Abuu Mansuur iyo kuwa Koonfur Galbeed oo ay ugelbiyeen dhanka magaalada Xudur.

Dad ku sugan magaalada Xudur ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaawacyada maleeshiyaadka Koonfur galbeed iyo Abuu Mansuur kusoo daabulayay gaadiidka Uuraallada loo yaqaan.

Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) oo horay uga tirsanaa mas'uuliyiinta Al Shabaab ayaa bishii Agust 2017 isku dhiibay saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya ee gobolka Bakool kadibna waxaa loo wareejiyay dhanka Muqdisho halkaas oo uu heshiis kulasoo galay DF-ka.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaaladda goobihii lagu dagaallamay ay degantahay waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Xarakada Al Shabaab oo si adag uga difaacday ciidamo huwan ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items