Magaalada Muqdisho waxaa si xowlli ah uga socda dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka.
Weerarkii ugu dambeeyay wuxuu xalay ka dhacay xaafadda Suuqa xoolaha degmada
Huriwaa ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Xoogag hubeysan ayaa toogtay sarkaal katirsanaa ciidamada Booliska DF-ka, goob
joogayaal ayaa sheegay in ragga weerarka fuliyay ay horay usii kaxaysteen gaari
uu watay sarkaalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in saacado kadib markii dilku dhacay ay ciidamo
Boolis ah goobta soo gaareen balse kuma guuleysan in ay gacanta ku dhigaan
xoogagii weerarka geystay.
Waa isbuucii labaad oo dilal xiriir ah ka dhacayaan degmooyinka gobolka
Banaadir, isbuucii lasoo dhaafay ayaa askar iyo saraakiil lagu dilay
degmooyinka Hodon, Wadajir iyo Howlwadaag.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Sarkaal Katirsan Booliska Dowladda Federaalka oo Xaafadda Suuqa Xoolaha lagu dilay.
Magaalada Muqdisho waxaa si xowlli ah uga socda dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka.