Jeneraal Diini "Tallaabadan Saameyn Xun Ayay Ku Reebaysaa Ciidamada Dowladda Waxaana Joogsanaya dagaalkii Ka Dhanka Ahaa Al Shabaab".

Sunday December 17, 2017 - 12:14:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Diini "Tallaabadan Saameyn Xun Ayay Ku Reebaysaa Ciidamada Dowladda Waxaana Joogsanaya dagaalkii Ka Dhanka Ahaa Al Shabaab".

    Go'aankii dhowaan ay dowladda Mareykanka ku jartay dhaqaalihii ay siin jiray ciidamada melleteriga Dowladda ayaa la sheegay in uu saameyn ku yeelan doono jiritaanka ciidankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aankii dhowaan ay dowladda Mareykanka ku jartay dhaqaalihii ay siin jiray ciidamada melleteriga Dowladda ayaa la sheegay in uu saameyn ku yeelan doono jiritaanka ciidankaasi.

Wasiirkii hore ee G/dhigga DF-ka ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabadan lagu joojiyay kaalmo dhanka saadka ah oo lasiin jiray ciidamada DF-ka ay saameyn xun ku reebi doonto.

Jeneraal C/qaadir Diini oo horay usoo noqday wasiirka G/dhigga DF-ka ayaa arrintan ku tilmaamay caqabad hor leh oo soo wajahay wax uu ugu yeeray ciidanka qaranka Soomaaliya.

"Runtii waa go’aan yimid waqti aan munaasab aheyn, sanadadii aan wasiirka ahaa aad baan ula socday saraakiisha Mareykanka ah ee soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, tallaabadanina uma wanaagsan ciidanka hadda jira oo aan ogyanahay duruufaha ku hor gudban” ayuu yiri Diini.


Wuxuu sheegay in dhaqaalaha Mareykanku ka jartay ay keenayso dib udhac islamarkaana aysan Dowladda Federaalka awood ulaheyn bixinta qarashka dhanka saadka ah ee ciidamada kumanaanka ah ubaahanyihiin bil walba.

"Haddii Mareykanku joojiyo cuntada, shidaalka iyo qarashaadkii waxey hakad galin doontaa dagaalka iyo abaabulka ka dhanka ah Argagixisada”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Diini.

Musuq Maasuq iyo wax isdaba marin ka dhax jirta Hoggaanka dowladda Federaalka ayaa sabab u ah in dowladda Mareykanku ay joojiso taageeradii ay siin jirtay maleeshiyaadka qaabilsan ladagaallanka shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items