Xildhibaanno Si Kulul Uga Hadlay Xarigga C/Raxmaan Cabdi Shakuur iyo Warkii Kasoo Yeeray Xeer ilaaliyaha.

Tuesday December 19, 2017 - 11:33:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno Si Kulul Uga Hadlay Xarigga C/Raxmaan Cabdi Shakuur iyo Warkii Kasoo Yeeray Xeer ilaaliyaha.

    Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay warkii kasoo yeeray xeer ilaaliyaha dowladda Federaalka ee farayay in xasaanadda lagala laabto laba xildhibaan iyo weerarkii Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur lagu qaaday ayaa gilgilay Hoggaanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay warkii kasoo yeeray xeer ilaaliyaha dowladda Federaalka ee farayay in xasaanadda lagala laabto laba xildhibaan iyo weerarkii Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur lagu qaaday ayaa gilgilay Hoggaanka DF-ka.

Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa si kulul ucambaareeyay tallaabada Xafiisyada madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay ku dhaqaaqeen oo ay ku tilmaameen wax khilaafsan sharciga u degsan DF-ka.

Xildhibaanno Muqdisho ku kulmay ayaa ka digay in xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ay sii xumaan doonto haddii aan lasii dayn siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo warbaahinta lahadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la xasuuqo ciidamo ilaala u ahaa Nin horay usoo noqday wasiir isagoo ka digay in waxa socda ay isku bedelaan dagaal aan la mahadin sida uu hadalka u dhigay.


"Waxaan Si aan leex-leexad laheyn u cambaareynaynaa weerarkii loo geystay guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, weerarkaas oo 6 qof oo gabar iyo 5 wiil ku dhinteen, oo aan waxba galabsan, 3 qof oo C/raxmaan ku jira lagu dhaawacay, isagoo dhaawac aha xabsiga loo taxaabayā€¯ayuu yiri Xildhibaan C/xakiin Macalin Xasan.

Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo kale oo iyana warbaahinta lahadlay ayaa weerar dhanka Afka ah ku qaadday Farmaajo iyo Kheyre.

Cabdi Cabdi Shakuur ayaa isagoo dhaawac ah wali ku xiran xabsi qarsoodi ah oo sirdoonka DF-ka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items