Waddooyinka Muqdisho Oo Maalintii Sedaxaad Xiran iyo C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo Maxkamad Kasoo Muuqday.

Wednesday December 20, 2017 - 11:14:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddooyinka Muqdisho Oo Maalintii Sedaxaad Xiran iyo C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo Maxkamad Kasoo Muuqday.

    Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii sedaxaad xiran waxaana lagu arkaa ciidamo boqolaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii sedaxaad xiran waxaana lagu arkaa ciidamo boqolaal ah.

Xirnaashiyaha waddooyinka ayaa loo aaneynayaa xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu qaaday guri uu Muqdisho ka deganaa siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo horay wasiir ugasoo noqday dowladda Federaalka.

Xiisado dhanka amniga ah ayaa kajira degmooyin ay kamid yihiin Hodon iyo Holwadaag, ciidamo katirsan DF-ka oo taageersan xildhibaanno iyo siyaasiyiin mucaaradsan maamulka Farmaajo ayaa lagu arkayaa xaafadaha qaar.


Dhinaca kale maxkamadda gobolka Banaadir ayaa saacado kooban uqabatay xeer ilaaliyaha Dowladda Federaalka in uu kusoo gudbiyo eedeymaha loo heysto Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaallo u dhaxeeya dowladda Farmaajo iyo mid kamida beelaha Soomaaliyeed ay muqdisho ka dhacaan haddii C/Raxmaan Cabdi Shakuur sii xirnaado sida uu ka dhawaajiyay Xildhibaan C/xakiin Macalin Xasan oo isagoo waxgarad lahadlayay ku yiri "naga war suga oo ilaaliya ammaanka waxba ha bilaabin illaa aan anagu kasoo quusaneynoā€¯ hadalkaasi oo loo fasirtay in ay jiraan ciidamo dagaal udiyaarsan.

Waa khaladkii siyaasadeed ee ugu weynaa oo dowladda Farmaajo lugaha lagasho waxaana jira hadal heyn iyo guux ah in Muqdisho isbedel ka dhici doono haddii Kheyre iyo Farmaajo ay sii wadaan baacsashada dadka ay siyaasadda isagasoo horjeedaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items